Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

REER AWDAL QURBA JOOG

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

REER AWDAL QURBA JOOG

Postby Cali_Gaab » Thu Apr 14, 2011 12:05 pm

Listen to your leaders, your plans held by aminority of your clan will not materialize.

Inanka Dibada Jooga Waxaanu Leenahay Waar Sida Reer Burco Ay Warshadaha U Keeneen Ugu Keena Gobolkiina, Halkana Lagama Rabo Rabshad Iyo Dhibaato Adiga Oo Aan Waxba Tarin” Chief Caaqil Xasan Daahir Xadi

Hargeysa, April 13, 2011 (Haatuf) – Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Awdal ee Somaliland ayaa digniin culus u jeediyey koox Qurba joog ah oo ay sheegeen inay damacsan yihiin inay dalka khalkhal ka abuuraan, kadib markii ay dhawaanba isa soo tarayeen arrimaha lagu xidhiidhinayo inay ka dambeeyaan waxa loogu yeedhay Awdal State.

Siyaasiyiintan oo ka tirsanaa labada gole Baarlamaanaka ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa sheegay inay iyagu reer Awdal ahaan ay ka dambeeyeen dhismihii qaranka Somaliland dhidibada loogu taagay, isla markaana ay marti galiyeen shirweynihii lagu soo dhisay dawladdnimada.

Xildhibaanadan ayaa intaa ku daray ugu baaqay kooxda Somaliland diidka ah ee Qurbaha, isla markaana ka soo jeeda Awdal inay dhibaatada ka daayaan dalka, isla markaana ay wax soo taraan gobolka gobolkooda Awdal.

Siyaasiyiintan ayaa sidaasi ku sheegay Shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hotel Imperial ee Magaalada Hargeysa kadib markii ay kulan wada qaateen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo sheegay inay u gudbiyeen tabashooyin beesha Samaroon ay ka tirsanayso saami qaybsiga xukuumadda Siilaanyo.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Axmed Maxamed Maxamuud Bare Gaaraad, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Illaahay Mahadii Somaliland nabad ayay ku nooshahay, Somaliland waxa ay hiigasnaysaa caalamka kale inay la mid noqoto, anaguna waxa aanu ka mid nahay halgamayaashii u soo halgamay somaliland, Dawladd nimadeedqa, jiritaankeeda, haday noqoto wakhtiyadii ingiriisku jiray iyo haday tahayba wakhtigii xoriyada la qaatayba, anagu hormood ayaanu ka ahayn hadaanu nahay beesha Samaroon.

Somaliland anaga nalooma keenin, wax naloo soo waariday maaha, waa wax anaga naga yimid Somaliland lafteedu, cidii ugu horaysay ee heshiis ingiriiska la gasha beelaha Gadabuursi baa ugu horeyey, taasi waxa ay ku tusaysaa dalkan Somaliland la yidhaahdo in ay ku noolyihiin qabaa’il ka tirsan oo ay ka mid yihiin Habar-Jeclo, Habar-Awal, Habar-Garxajis, Ayuub, Toljecle iyo kuwo la mid ah, dadkaasi waa dad walaalo ah oo isku mid ah oo isku masiir ah oo wax wada goostay oo ujeedadoodu tahay inay mid noqdaan, waxaan leeyahay Walaalahayaga dibada jooga ummaddani masiirkeeda ayay ka tashatay 1991-kii, waxa ay ka mid noqdeen oo ay baaq ka soo saareen Shir-weynihii Burco inay ka mid yihiin Beelaha Somaliland, iyagaana ugu horeeyey baaqa. Baaqaa Burco laga soo daayey ciga ugu horaysay ee ku dhawaaqday waxay ahaayeen Weftigii ka tagay Boorama. Waxaanu Somaliland ka soo qabanay Jagooyinka Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeen, sideed sano ayaanu dalkan xukumaynay cid aanu u daba joogsanayno oo aanu leenahay Somaliland bay kaa leedahayna ma jirto.

Walaalahayaga dibada waxaanu u sheegaynaa Aayaha ummaddayada anagaa siyaasiyiin u ah, anagaa majaraha u ahayna, anagaa wixii tabasho ah ee shacbigu tabanayo anagaa meesha ay ku haboontahay gaynayna, waa illaahay mahadii maanta oo ay taariikhdu tahay 12/4/2011, waxaanu shir balaadhan oo aanu si qoto dheer uga hadalay Aanu la qaadanay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu taabsiinay oo aanu qoraal ugu gudbinay tabashada beelaha Samaroon tabanayaan, arintaas waxaanu u sheegaynaa walaalahayaga dibada hadaad wax tabanayseen oo aad wax sheeganayseen angaa idinka wakiil ah dadweynahana ka wakiil ah, wixii aanu tabanaynay oo qoraan ah insha allaahu waad heli doontiin, waananu u gudbinay. Waxaan se uga digaynaa cida ku hadasha gobolkan Awdal ee dibada joogta ee leh Awdan State, Awdal-Land, kalmadahasi oo dhami kalmado ku jira maaha Siyaasada Samaroon”.

Sidooo kale Axmed Maxamed Maxauud Bare waxa uu sheegay in Aayaha iyo masuurka ummadda reer Awdal ay ka talinayaan dadka gudaha jooga oo ay ka mid yihiin Cuqaasha, Mashaa’ikhda iyo Aqoonyahanka, waxaanu “Hadaba haddii cidi ka talinayso aayaha beelaha Samaroon waxa ka talinaya dadka Samaroon ee ku dhaqan Somaliland, haday tahay salaadiin haday tahay Cuqaal haday tahay mushaa’iikh, Aqoon yahan iyo haday tahay siyaasiin, kuwaas ayaa aayaha Samaroon ee ku wajahan Somaliland ka talinaya, waxaanu faraysaa oo aau u sheegaynaa inay ka waantoobaan, shaqsiyaadka ku caano maalay, ee fadhi ku dirinka ah ee had iyo jeer ku hadaaqa wax ummaddooda aan ka soo bixin oo ummaddoodu itijaaha siyaasadeed ee ay leedahay aan lahayn, sidaa darteed waxaanu leenahay bini’aadamku dareenkiisa dimuqraadiyadu waxa ay sheegayso inuu muujiyo, waayo dareenka aad muujinaysaa in aanu noqon ilaa xad mid dadkiina aan wax u tarayn oo aad galisiin Internet iyo Jaraa’id oo dad kale oo aan idinka ahayn inay gacanta idinkula jiraan, taas aad iyo aad ayaanu uga xunahay, Qurba jooga, waxaad tihiin dad naga mid ah, xaqbaad u leedihiin in aad na soo waydiisiin masiirka ummadda oo aad ka hadashiin. Laakiin wax aan la isku ogayn oo beelaha Samaroon aanay goosan inuu afkiina ka soo baxo waa ayaan daro, waananu ka xunahay run ahaantii. Sidaa Darteed waxa aan idin leeyahay Somaliland Way Jirtaan Wayna jirin Doontaa, Samaroona Somaliland ayuu ka mid yahay dadka ku dhaqan, masiirkiisana 1991-kii buu goostay, waa wax taariikhi ah oo la ogyahay”.

Xildhibaan Cabdi Maxamed Gaagaagle oo isaguna hadal kooban ka jeediyey halkaasi ayaa yidhi “Sidaad ogtihiinba waxa baryahan ka soo duulduulayey Maraykanka iyo haday Canada tahayba inamo halkaa ka qayl-qayliya oo yidhaahda waxaanu nahay Awdan State, wax Awdal State la yidhaahdaa ma jirto, dadkani Somaliland ayuu yahay, cidna marti ugama nihin Somaliland, ragii sameeyey ayaan anigu ka mid ahaa Somaliland, halkaa ka tagay ee Boorama, Sheekh, dhibaato badana waanu u galnay, markaa walaalahayana dawladd iyo Maamul ayaanu la samaysanay, Nabad ayaanu ku noolahay, Caafimaad ayaanu ku noolahay dadkayagii maanta Jaamacado iyo Iskuulo ayaa jira oo Jaamacada ugu horaysa ee dalka anagaa Samaynay, intaas oo arday ayaa ka soo baxday All Xamdulilaah, Somaliland qayb weyn baanu ka haysanaa. Markaa kuwa dibada ka hadlaya waxaan odhan lahaa Walaalayaal haddaad dadka wax soo taraysaan waa la idiin baahan yahay, Haday Caafimaad tahay haday Tacliin tahay haday tahay Baahi kale, dadka kale ee qayrkiin ah ee dibada jiraa dadkooda ayay wax soo taraan, Iskuulay dhisaan hay’addo ayay keenaan, halkanay wax kasta keenaan, waxba idinka la idinkama hayo, waxaanu idinka maqalnaa uun Awdal State baanu nahayoo halkaas baanu joognaa. Wax la yidhaa Awdal State ma jiro, dadku mar hore ayay tashadeen oo waxa ay ku tashadeen Somaliland inay ka mid noqdaan”

Dhinaca kale Jiif Caaqil Xasan Daahir Xadi ayaa isa waxa uu yidhi “Somaliland waxa lagu soo sameeyey xukuumaddeedan maanta talinaysa oo lagu lafa guray oo lagu xamdiyey, rabitaan ka yimid gobolka Awdal, markaa meesha ay ku abuurantay inay ku dunto diyaar uma nihin, una dumi mayso, inanka dibada jooga waxaanu leenahay waar sida reer Burco ee gobolka Togdheer ay warshadaha ugu keeneen ugu keena, halkan lagama rabo rabshad iyo dhibaato adiga oo wax aad soo tartay jirin oo aanan waxba u tirsanayn in aad nabadgalyadooda iyo dadka ay la noolyihiin aad ka takoorto diyaar uma nihin, anagaana matalna oo u hadlayna, tabasho-na way jirtaa, tabashada jirta dee inta aan dibada ka soo hadlo oo aan Internet-ka wax soo galiyo kama hadli karo, anagaana ka hadlayna waana laga hadlay, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayay maanta hortaanaa, waananu u gudbinay, tabasho way jirtaa, waanay jiri doontaa, Saamiga aanu leenahay Somaliland waa laga hadlay waynay hortaanaa oo waa laga sugayaa, wixii tabasho ahna cidbaa loo soo xilsaaray oo golayaasha ugu jirta gobolka Awdal oo looga daba fadhiisanayaa wixii gobolku tirsanayo”.
Sidoo kale Mahdi Xuseen Cadare oo isaguna ka mid ah mudanayaasha wakiilada ee kazoo jeeda Gobolka Awdal ayaa isagana waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Hadaynu reer Awdal nahay inagoo ilaa maalintii Somaliland lagu dhawaaqay aynu ka nahay dalkan Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenba labada mansab ee ugu sareeya dawladda, in shakhsiyaad kazoo jeeda Awdal inay dibadaha kazoo dhawaaqaan oo ay yidhaahdaan maamul hebel baa nala yidhaahdaa cay bay inagu tahay, ummada reer Somaliland-na waanu ka raa galnaynaa shakhsiyaadka bilaa camalka ku ah qurbaha ee shaqada ka dhigtay waxyaalaha aanay galin reer Awdal iyo reer Somaliland-ba, waxaanan leeyahay shakhsiyaadka dibadaha kazoo hadaaqaya waa Ey dharaar ciyey”

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: REER AWDAL QURBA JOOG

Postby SahanGalbeed » Thu Apr 14, 2011 12:13 pm

War kuwan sheekadooda inaga dhaaf e , waxan ku idhi waryee cali gaab , xaal baan idin ka raba niyow.
Maalin dhaweed xafiis dahabshiil leeyahay baa dibada la ii soo dhigay , aar niyow qurjiilihi argagaxiso isku sheeg ah bay ii moodeen oo waaba la igu bilaabi gaadhay :lol:

User avatar
CORRUPTION
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 956
Joined: Thu Feb 05, 2009 10:31 am
Location: The DON "HMC" Click Via London
Contact:

Re: REER AWDAL QURBA JOOG

Postby CORRUPTION » Thu Apr 14, 2011 12:44 pm

anaguna waxa aanu ka mid nahay halgamayaashii u soo halgamay somaliland, Dawladd nimadeedqa, jiritaankeeda, haday noqoto wakhtiyadii ingiriisku jiray iyo haday tahayba wakhtigii xoriyada la qaatayba, anagu hormood ayaanu ka ahayn hadaanu nahay beesha Samaroon.


its no secret these Qurba joogs are being used by ssc guys, getting used like a video game, 100% sure in loo hadlayo aynaan iyagu hadleyn


argagaxiso isku sheeg ah bay ii moodeen oo waaba la igu bilaabi gaadhay


:lol: :lol: waxaan u malaynayaa udun-baa ku qarxiyey, isagoo detailskaaga baadhayaa iigu dambeeyey

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: REER AWDAL QURBA JOOG

Postby SahanGalbeed » Thu Apr 14, 2011 12:53 pm

Shit man , dirqi baan ku baxay . :lol:

User avatar
Madelina
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 953
Joined: Fri Jan 21, 2011 11:48 am
Location: My country is Somaliland, My Ethnicity is Somali and My Religion is Islam ;-)

Re: REER AWDAL QURBA JOOG

Postby Madelina » Thu Apr 14, 2011 1:17 pm

Most wanted man in Awdal is currently a dude from Qurbajoog (UK) who was linked to Awdalstate propaganda :D :D

Cabdalle Farax Sigad
Image

Borama – (Bakipress)- wararka naga soo gaadhaya magaalada madaxda gobolka Awdal ayaa sheegaya in Pooliska magaaladaasi ay ku daba joogaan Cabdalle Faarax Sigad oo carar ku jira isagoo loo aanaynayo inu ahaa haan-maskaxeedkii ka danbeeyey warqadahii Borama lagu daadiyey toddobaadkii inna dhaafay

Cabdalle Farax Sigad oo ka mid ah qabanqaabiyayaasha waaweyne ee u ololeeya Awdal State ayaa la aaminsanyahay inu Borama u tegay hawlo ku lug leh sidii dadka reer Awdal looga gadi lahaa loogana dhaadhicin lahaa Awdal State iyo barnaamijkeega siyaasadeed ee ku wajahan Awdal iyo sidii dhallinyarada reer AWdal loo kicin lahaa. sawirkani oo ah ka keliya ee laga hayo ayaa waxa la sheegayaa inu yahay mid aw iska qaaday markuu yaraa balse u yahay nin bidaari ku dhigayso. :mrgreen: :mrgreen: :mrgreen:

Wararku waxa kaloo intaa ay ku dareen in dadka reer Awdal ee dalka joogaa ay aad uga soo horjeeda Awdal State wax la yidhaa oo aanay maqli karin, waxana la isweydiinayaa waxa cusub ee ay soo kordhinayso maadaama Rayaale oo dalka oo dhan taladiisu gacantiisa ku hayey waxba ka qabanwaayey arrimaha hadda lagu andacoonayo oo dhan, isagoo u ka sii horreeyey Cabdiraxmaan Aw Cali oo awood xoogle ku leh somaliland aabana ka ahaa arrimaha maanta taagan oo dhan ee saabsan dhinaca saamiqaybsiga.

Gabogabadii dadka reer Awdal waxay tilmaameen in wax goosi la yidhaa aanay maqlikarin habayaraatee, dad gaar ahina ka danbeeyaan, waxa kaloo ay tolmaameen in dantu ku jirto wixii saamiqaybsi ah si nabdoon loo doonto dariiqeegana loo maro.

Cabdi Daahir

Jabuuti – Jabuuti
http://bakipress.wordpress.com/2011/04/ ... dal-state/

User avatar
Blue_609
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 758
Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga

Re: REER AWDAL QURBA JOOG

Postby Blue_609 » Thu Apr 14, 2011 1:43 pm

Cadowga shisheeye waa la ogaaye, aleylehe ka dhexdeenana aan ogaano.

[youtube]bzGtFBhG2xg&feature[/youtube]

Shir Jaraa’id Oo Uu Maanta Gurigiisa Ku Qabtay Xaaji Cumar Cabdi Cige

Shir Jaraa’id Oo Uu Maanta Gurigiisa Ku Qabtay Xaaji Cumar Cabdi Cige
April 14, 2011 Ottawa(Awdalstate) – Shir jaraa’id oo uu maanta gurigiisa ku qabtay Xaaji Cumar Cabdi oo ka mida waxgaradka odayada Gobolda Galbeed ee Somaliland ayaa si kulul uga hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha, dareemada iyo siyaasada gobolada Awdal & Selel.
Xaaji Cumar Cabdi wuxuu dhaliil kulul usoo jeediyay dadka siyaasad ahaan masuulka ka ah umda ay matalaan taas oo uu ula jeeday xubnaha baarlamaaniga ah ee laga soo doorto gobolda Awdal iyo Selel iyo waliba odayaashii dhawaan shirka jaraa’id ku qabtay Borama ee cayda kula dulkufay qurba jooga. Dhinaca kale Xaaj Cumar wuxuu difaacay qurba joogta iyo dareenka dadwaynaha kuna tilmaamay dad xariira ah oo aan geyin aflagaado kana soo baxay masuuliyadii ka saarnayd dadkooga iyo dalkoogaba, isla markaasna sheegay inay dadku xaq u leeyihiin inay cabiraan dareenkooda.
Hadaba shirkaas jaraa’id oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaan idiin soo gudbin doonaa isagoo dhamaystiran saacadaha soo socda

Xaaji Oday Siciid Cumar Dhimbiil oo Talo iyo Dardaaran u Soo Jeediyay Odayada iyo Dhalinyarada Awdal State

http://awdalstate.boonnews.net/?p=4133

User avatar
Blue_609
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 758
Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga

Re: REER AWDAL QURBA JOOG

Postby Blue_609 » Thu Apr 14, 2011 1:49 pm

the few ppl that are a microphone for the SNM do not represent us and soon will be ousted out when the inauguration of awdalstate will come from the heart of borama . i think u got ur answer.

User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: REER AWDAL QURBA JOOG

Postby udun » Thu Apr 14, 2011 3:22 pm

anaguna waxa aanu ka mid nahay halgamayaashii u soo halgamay somaliland, Dawladd nimadeedqa, jiritaankeeda, haday noqoto wakhtiyadii ingiriisku jiray iyo haday tahayba wakhtigii xoriyada la qaatayba, anagu hormood ayaanu ka ahayn hadaanu nahay beesha Samaroon.


its no secret these Qurba joogs are being used by ssc guys, getting used like a video game, 100% sure in loo hadlayo aynaan iyagu hadleyn


argagaxiso isku sheeg ah bay ii moodeen oo waaba la igu bilaabi gaadhay


:lol: :lol: waxaan u malaynayaa udun-baa ku qarxiyey, isagoo detailskaaga baadhayaa iigu dambeeyey


:lol: :lol:

Soon or later, Keyse is gonna get owned :lol: :lol:

User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: REER AWDAL QURBA JOOG

Postby udun » Thu Apr 14, 2011 3:25 pm

the few ppl that are a microphone for the SNM do not represent us and soon will be ousted out when the inauguration of awdalstate will come from the heart of borama . i think u got ur answer.
Absolutely, bro Blue_609. Awdal State is real and it will insha-Allah stay strong :up: :up:

Btw, it is obvious that the 'cutie' Cali Gaab is worrying about Awdal State of Somalia. Yeah, the cutie Cali Gaab is worrying too much :lol: :lol:

User avatar
Kukri
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6571
Joined: Thu Oct 02, 2008 8:21 am
Location: Jigjiga

Re: REER AWDAL QURBA JOOG

Postby Kukri » Thu Apr 14, 2011 3:35 pm

the few ppl that are a microphone for the SNM do not represent us and soon will be ousted out when the inauguration of awdalstate will come from the heart of borama . i think u got ur answer.
Absolutely, bro Blue_609. Awdal State is real and it will insha-Allah stay strong :up: :up:

Btw, it is obvious that the 'cutie' Cali Gaab is worrying about Awdal State of Somalia. Yeah, the cutie Cali Gaab is worrying too much :lol: :lol:
state af madhan laguma noqdo sxb ee caadi iska dhig before you get dhiig kar... :lol:

User avatar
ZubeirAwal
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15174
Joined: Sat Mar 19, 2011 1:05 pm
Location: No one feels safe from hypocrisy except the hypocrite.

Re: REER AWDAL QURBA JOOG

Postby ZubeirAwal » Thu Apr 14, 2011 6:40 pm

the few ppl that are a microphone for the SNM do not represent us and soon will be ousted out when the inauguration of awdalstate will come from the heart of borama . i think u got ur answer.
Absolutely, bro Blue_609. Awdal State is real and it will insha-Allah stay strong :up: :up:

Btw, it is obvious that the 'cutie' Cali Gaab is worrying about Awdal State of Somalia. Yeah, the cutie Cali Gaab is worrying too much :lol: :lol:

Worry about your "SSC" Which is vanishing bit by bit, this is why your leaders resorted to do running behind the gadabursi's backs and saying "Inaga caliya!", pathetic :arrow: :lol:

User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: REER AWDAL QURBA JOOG

Postby AsadSL » Sat Apr 16, 2011 1:08 pm

Insted of planing for war spend that money in building awdal because this awdal thing will never happen. The people back home wont decalre it they want to live in peace and people in the west just want to sture somthing up.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests