Dawlada Itoobiya Oo La Sheegay Inay Inay Xabsiga U Taxaabtay Fanaanada Da’da Yar Ee Nimco Dareen Iyo Waxa Lagu Eedeeyay
Addis-ababa (Ramaas) Oct 10,2011 – Fanaanada da’da yar ee Nimco Dareen oo ka mid ah fanaaniinta ku nool qurbaha, balse bilihii u dambeeyay ku sugnayd Magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomalida Itoobiya ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay.
Fanaanada ayaa la sheegay in laga qabtay Magaalada Jigjiga ee caasimada ismaamulka Soomalida Itoobiya isla-markaana loo dhaadhiciyey dhinaca Magaalada Addis-ababa, ka dibna halkaas lagu xidhay.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in fanaanadan lagu eedeeyay inay hore u qaaday hees lid ku ah Ismaamulka Soomalida Itoobiya iyo raysal-wasaaraha dawlada federaalka Mr Males-zanewi, kuna taageerayso jabhadda xoreynta Ogaadeen ee ONLF ee dagaalka ahliga ah kula jirta dawlada Itoobiya.
Fanaanadan oo bilihii u dambeeyay Magaalada Jigjiga ku sugnayd, kana dhigtay dhowr (show), balse waxa la tilmaamay in dib loo eegay hees ay qurbaha ku qaaday, taas oo ay ku dhaliishay dawlada Itoobiya.
Dawlada Itoobiya ayaa aad ula dagaalanta fanaaniinta ka soo horjeeda hanaanka ay dalka ku hogaamiso, inkasta oo dhawaan dawlada ismaamulka Soomalida Itoobiya ay cafis siisay kooxda waayaha cusub oo sida la wada xasuusan yahay aad uga soo horjeeday dawlada Itoobiya isla-markaana soo saaray albano dhan oo ay ku dhaliilayaan.
Ramaasnews Desk