
Waxaa magalaada Nairobi ka socday indhawaalaba Kulamo sii gooni gooni ah lo yeelanaayo kuwaas oo lagu dar dargalinaayo Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo Mideynta Xogaga ka dagalama Jubboyinka iyo Gedo.
Shirarkaan ayaa waxaay iskugu jireen kuwa ay yeelanayaan beelaha ugu tunka weyn Gobolada Jubboyinka iyo Gedo kuwaas oo u kulmayay si guud iyo si gooni gooni ah.\
Kulamadaas ka socda Nairobi ayaa waxaa kulanki ugu danbeyay uu dhexmaray Taliyaha Guud ee Ciidamada Xoga Dalka Soamliyeed Sareye Guud Cabdiqadir Sh Cali Diini iyo Taliyaha Howlgalada Gobolada Konfureed ee Ciidamada Xooga Dalka Gen: Yusuf Dhumaal iyo Gudomiyaha Raskambooni Sh.Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe.
Kulanka Masuliyintaasi oo ay saxafadu dibad joog ka ahayd ayaa sida logu helaayo xog hoose waxaay ka wada hadleen sidi lo dardar galinlaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo sidi lo mideyn laha dhinacyada ka dagaalama Gobolada Jubboyinka Iyo Gedo.
Ugu horeeyn waxaa kulankaasi ka hadlay taliyaha guud ee Ciidamada Xoga Somali Sareye Guud Cabdiqadir Sh Cali Diini waxana uu uga Mahad celiyay Sh.Axmed Madoobe iyo Gen. Dhumaal sida ay ugu soo dhabar adeygeen dagaalki ba,naa ee Jubboyinka lagula galay Al-Shabaab iyo Isku xirnanti ka dhaxaysay Ciidamada TFG da iyo Ciidamada Raskambooni Gen. Diini ayaa waxaa uu balan qaday in u sare u qadi doono dhaqalaha Dowlada kmg ah ay ku bixiso Ciidamada ka howlgala Jubboyinka iyo Gedo waxaana uu intaasi ku daray in Ciidamadaasi ay dhawaan heli doonan Musharadki mudada ka maqna.
Taliyaha ayaa waxaa uu dhanka kala soo dhaweyay Dadaalada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxa una ugu baqay qaybaha ku howlan Maamul usameyntaasi in ay si Cadaalad ah lagu qaybiyo Awooda Maamulkaasi guud ahaan Shucubta Dagta Gobolada Jubboyinka iyo Gedo taliyaha aya waxaa uu yiri hadi dhismaha Maamulkaasi laga cadalad falo waxaa Xaqiiqo ah in uu noqon doono Maamul mira dhala oo waara waxaan si gooni uga dardarmaya in la ixtiraamo qabailada yar yar ee wax ka daga Jubboyinka iyo Gedo ayu yiri Gen Diini.
Sh. Axmed Madoobe oo asna kulanka ka hadlay ayaa waxaa uu u mahad celiyay taliyaha guud ee Ciidanka sidi uu mar walba uga warqabo Ciidamada Jubboyinka iyo Gedo waxana uu shegay in lo bahan yahay in taagerada so garta Ciidamada jubboyinka iyo Gedo la kordhiyo si Ciidamadaasi ay ugu babac dhigaan Koxaha Nabadiidka ah ee ka so horjeeda.



