

Magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga puntland ayaa waxaa ka da’yey ilaa xaley gelinkii danbe roob si weyn loogu diirsadey oo soconaya ilaa hada
Shacabka ku dhaqan magaalada ayaa maanta aanan soo dukaameysan iyadoo iidii ay tahey maalinta beri ah ayaa hadana dadka qaarkii ay suuqa usoo baxeen xili uu soconayey roob aan kala joogsi laheyn.
Wadooyinka magaalada Bosaso ayaanan la marinkareyn daadad xoogan oo ka dhashey roobkii iyadoo Bosaso wadooyinkeeda anan inta badan usameysneen meelo daadku maraan maadaama aysan badanaa roob ka di’in inta badan magaalada Bosaso.
Roobkan da’ey ayaa wuxuu saameyn xoogan ku yeeshey dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyadoo shacabka ku dhaqan bosaso aysan maanta si fiican aysan u soo dukaameysan iyadoo lagu arkayey dad tiro yar oo suuqa alaabo ka soo iibsanaya.
Caruurta yaryar ayaanan maanta guryahooda kasoo bixin iyadoo xiligan oo kale magaalada Bosaso suuqeeda ay buux dhaafin jireen caruurta yar yar oo waalidkood suuqa dharka ciida uga soo iibinayaan balse maanta uu saameeyey roobabka da’ey.
Dhinaca kale dadka danyarta iyo barakacayaasha ee ku dhaqan magaalada bosaso duleedkeeda ayuu saameyn xoogan ku yeeshey iyagoo degen buushash ka sameeysan kartoono uuna roobkii dhamaan ba saameyn xoogan ku yeeshey.
Ilaa iyo hada roobkani khasaare uu geystey ma ay jirto iyadoo la filayo inuu caawana mar labaad soo curto maadaama uu cirku weli daruuro ku geedaaman yihiin,lana fili karo inuu soo curto mar labaad.
Horseed Media
Bosaso puntland


















