Gaalkacyo, Jan. 06, 2013, (Mareeg.com): Waxaa shalay koonfruta magaalada Gaalkacyo ka dhacay kulan dhexmaray xubno ka tirsan Ahllusuna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay sidii loo dhisi lahaa maamul ay yeeshaan gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Xubnaha ka socday Ahllsuna Waljamaaca ee Gaalkacyo areintaan u tegay ayaa waxaa hogaaminayey Sheekh Ibraahin Sheekh Xasan Guureeye oo ah gudoomiyaha sadexda gole ee Ahllusunna Waljamaaca.
Sheekh Ibraahin Guureeye ayaa sheegay in sababta ay u tageen Gaalkacyo ay tahay ka wada hadalka sidii Ahllusunna iyo Galmudug iyo beelahada halkaas dega ay u dhisan lahaayeen maamulka ay ku mideysan yihiin.
Waxaan damacsanahay sidii aan maamul gobaleed uga sameyn laheyn bartamaha Soomaaliya, qorshahaas ayuu ahaa qorsha aan ugu nimid Galmudug” ayuu yiri Sheekh Ibraahin Sheekh Xasan Guureeye oo sheegay in kulamadu sii socon doonaan.
Labada dhinac oo kulankoodu xalay soo gebageboobay ayaa saaray guddi ka kooban 6 xubnoo oo 3 ka socota Galmudug, halka 3-da kale ka socdaan Ahllusuna Waljamaaca.
Qodobada lagu hesheeyey oo ahaa 8 ayaa waxaa ka mid ahaa in laga shaqeeyo dhismaha maamul lagu mideysan yahay, in shirarka kan xiga lagu soo biiriyo xubnaha kale ee Ahllsuna iyo Galmudug ee shirkan ka maqnaa iyo qodobo kale.
Dhinaca kale, waxaa shirkaas ka carooday maamulka Ximan iyo Xeeb oo deegaan ahaan dhaca dhul u dhaxeeya degmooyinka ay maamulaan Ahlllsunda iyo Galmudug.
Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Max'ed Cumar Xagafey ayaa sheegay inaan gobollada dhexe laga dhisi karin maamul aysan wax ka ogeyn Ximan iyo Xeeb.
Afhayeenka ayaa sheegay in raga ka socday Ahllusunna ee tegay Gaalkacyo aysan marin degamada Cadaado, balse ay mareen gudaha Itoobiya sidaasna ku gaareen Gaalkacyo.
Xagafey ayaa tilmaamay in Galmudug aysan heshiis aheyn oo khilaaf ka dhex jiro, sidoo kalana Ahllsunna ay is khilaafsantahay, sidaas darteedna waxa ka dhacay Gaalkacyo aysan wax kasoo qaad laheyn.
Wadaadada Ahllusunna Waljamaaca ee Galgaduud iyo maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf hore oo ka dhashay gacan ku heynta degamada Cadaado iyo deegaanada hoos yimaadda.