Postby Ismail87 » Sat May 18, 2013 8:49 am
Gabay - Soomaali Baan ahay
Inkastoo sabaanadan
saranseer lasoo maray
amu soomalhaadiyo
jiray saxal Rabbaaniya
amay saar xanuuniyo
suruc inagu raageen
ummaduna sax iyo khalad
kala saari waayeen
ma saluugo midabkiyo
sinjiga iyo magacoo
Soomaali baan ahay
ummadaha la siman eey
salka ugu shisheeyee
Eenefdhii ku simaniyo — (NFD)
saaca Koonfureedoo
saaciido taalliyo
sintaa Bari Galbeedkiyo
sabarrada Waqooyiga
ummadaa ku siman ee
siqiir iyo kabiirba leh
kala sooci maayoo
way wada sookeeyoo — (waa ii wada sokeeye oo)
Soomaali baan ahay
an seeraarin karine
inta sawracaygiyo
sawirkayga aragtiyo
intii sax ii tiqiinee
hore iila socotiyo
inta sawdku gaadhee
suugaanta maqashiyo
inta soofka raacdee
baadiyaa ku sugan iyo
inta saraca beertee
wax-soo saarka barataba
salaan baan u dirrayaa
iyo sacabo furane
waddankanan dulsaarrahay
sadkiisana ku noolahay
ay Sawjaddaydiyo
sabigaygi joogaan
ifka intan ku suganee
saamuhu jiraan iyo
naftu goortay socotee
iilka layna seexsashaba
dani seeta weeyee
saldhiggeeni waa kano
sankaan uga daloolaa
Soomaalinimadaa
sawdkaan aqaanaa Soomaali weeyoo
sinjigayga dhalashadu Soomaali weeyoo
samayskayga Aadane Soomaali weeyoo
ruuxaan salaamaa Soomaali weeyoo
sad waxaan laquutaa Soomaali weeyoo
saaxiib waxaannahay Soomaali weeyoo
gogoshaan ku seexdaa Soomaali weeyoo
cagta meeshan saarraa Soomaali weeyoo
jidhka meesha lay saraa Soomaali weeyoo
ma oggoli safaadkiyo kala soociddoodaa!
hayeeshee wax baa si’ah
kulli shay’an sababba ah
Saadirkeennu yidhiyoo
suuradaa ku taaloo
siciidkiiba shiqibkaa
saddexlaab ka badanoo
waddankii saruu kacay
sumcaddana ku horemaray
inuu haatan seeriyo
sagxad iyo daleel tago
soo maaha saldanaddi
saboolnimo la dhaafsaday?
Soomaali baan ahay
siifallana ma galinee
qabiilkii la saacidee
saxansaxada loo filay
sahayduu dhalaayaa
ma sun baa ma daawaa?
goortaad wuxuu sido
saadaalin weydeen
saxariir adduunyiyo
seegitaanka aakhiro
saw ma naqon dad-weynow
labadaa siyaabood?
si kastoo la yeelana
isa seegi maynoo
Soomaali baan ahay
sarrif kuma galaayoo
subacyadii kaleetiyo
“saaxirkii” gumaystaha
saanyaday dhulkeenee
shanta saab ku kala riday
iyadoo sidoodii
Saddex wali ku maqan tahay
Labadii ka soogsade
saan-caddaalihii riday
Labadii suminniyee
shilinka isla soo baxay
saafsaaf dambeetiyo
in sanaati loo rogo
sheekada siqiirkay
wadaan saan-madoobuhu
waa sagaaro kurus liyo
sacab timo ka baxayoo!
saddex magac ilaahay
kama siisanaayoo
Soomaali baan ahay
runta kama sinaysto
markii sabanu jaahili
dadka lagu sifayn jiray
samaantiyo xumaatadu
dadku uma sinnaynoo
sah qabyaaladeedoo
saameeya majirinoo
sokeeyihiyo xididkaa
fara siman ahaayoo
martidoo la soorraa
waajib sarre ahaydoo
saska iyo jidh-diiddada
sidan kuma ahaynoo
gobonimo sal adagaan
suulin baa u tiillayoo
samir iyo dulqaadiyo
sarriib buu ahaayoo
Soomaali baan ahay
sooyaalki jecelee
safafki waayo-araggii
ama soojireennadi
sayn-caddaadiyaashii
sidriguu fiyoobaa
wixii aan su’aaliyo
jawaabtay i siiyeen
sida daacadnimaday
farta iigu saarreen
iimaan sal la hahiyo
saddaqdu ban ku raacoo
Soomaali baan ahay
ka saxeexan dunidaa
sifihii xorriyadiyo
calankeena saxardiid
sakarraatul mawdkiyo
saxariirki loo maray
safafkii gumaadmayey
sik-kiimeen cadaawuhu
intee bay siqiir iyo
sabi aynu leennahay
sidii xoolahoo kale
sayladaha ka iibsheen?
intee sigatay waayadi
saxariirtay goorii?
Anaan wada sarsari karin
kumanyaalki sababood
dadkii suubbanaayee
salafkiyo dhibkaa maray
saagootis iyo duco
umaynaan saj-jalinoo
naftooday u sababeen
abaal lagama siinino
Ansa saydhi maayoo
ka sagsaagi maayoo
Soomaali baan ahay
waana ii sajalantee
taariikhda solinki’i
waxa aad sabbaysaba
kuniyoo sagaal boqol
sannadii lixdamadii
soohdimii xidhnaan jiray
markay laba sifoobeen
isu soo bixii iyo
saaccaday is raaceen
isma odhan sansaankii
sifir buu ku noqonoo!
Soomaali baan ahay
sidi-dhibiqle necebee
ummadoo samaan iyo
saamaxaad ku wada nool
suntii lagu abuuriyo
sirtii shicibka loo dhigay
markay saaqday beladay
sambabada u geliyeen
salka-geeddigii qaxa
soohdimaha la kala xulay
kuwii soofsadee Yurub
sakatiggi la’aadiyo
saf Ameerikaan iyo
Oroba u sadcaamiyo
Afrikadan sinteena’a
dantu waxay u sahashaba
wali saacad meel kale
siyaaro uma teginoo
Soomaali baan ahay
dhulka saakin ku ahaa
sabaan aakhirkeenniyo
ilbaxeeni saayidey
siifad iyo shar mooyiye
siinad lagama dheefine
saad waxaad ka dhigatiyo
sahaydaan dhammaanayn
aadmiga sal iyo baar
nabad baw sariir oo
Rabbi wuxu ku siiyaan
sina looga maarmayn
iyo samafalkoo idil
iyadaa u sidatoo
sadeeqadiyo raaxada
sal-dhiggooda weeyee
saxansaxo udgoon iyo
soo noqo bishaaroy
soo haabo barakiyo
sagal caafimaadow
suuskiyo munaafaqa
Rabow soo hadeeyoo
haddii kalena naga saar
sadhayntiyo sharkoodoo
Allahayow na samo yeel
isuna kaaya sakhiroo
ku salliya Rasuulkii (scw)
Rabbinaw sujuudoo
saamaxaadna kala hela
waa sidaa danteenuye
By Abwaan Jaamac Kediye