CULUMADA SOMALIDA MAXAA SI KA AH? WALAAHI

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
afisoone
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5509
Joined: Wed Jul 22, 2009 9:46 pm
Location: We all want to become president even though Amisom controls Mogadishu

CULUMADA SOMALIDA MAXAA SI KA AH? WALAAHI

Post by afisoone »

Waxaa aqrinaaye websiteyada islamists ama kuwa support kareeyo in shareeco Islam soomaliya lagu dhaqo, culumadaasoo qaarkood taageeray in Wadamada galbeedka dagaal ku qaadaan muslimiinta kunool libya. Sheikh sheikhyada kamid ah ayaa dhahay Qaddafi ayaa noogu daran gaalada galbeedka. Arintaas ayaa aad ula yaabay maxaa yeelay fahmka diinta Islaamka waa wax qiimo badan. Qaddafi shaqsi ahaantiisa waa nin xukun adag laakiin in laga hor yimaado Qaddafi waxey sababeeysaa dhiig muslim inuu daado. Weyna dhacdey eeyaashii banaanbaxa suubiyay oo hubka u qaatay Qaddaafi waxey dhaliyeen fitno aana caqliga gali karin. Hadii ee caqli leeyihiin waxey badbaadin lahaayeen caruurtii iyo dumarkii lagu xasuuqay libya. Waxey ku dagaalamayaan ma aha mid diin ah, waa mid ayaga neceyb ee u qaadeen Madexweynahooda.
Waxbaa la dhacaa laakin aqli ayaa la isticmaalaa markasto waxaa laga soo horjeesta wax midnimada kala jaraayo maxaa yeelay Qaddafi waa madexweynaha dalka Libya. Waa in Baari loo ahaadaa markasto. Samirkii aaway loo dardaarmay muslimiinta. Aniga waxaa la yaabanahay shaqsiyaadkaan wadaada isku sheegaayo ku faraxsan in la xasuuqo shacab muslimiin ah oo jecel madexweynahooda. OO naftooda iyo maalkooda inee ku difaacaan rabaan maadaama ee tahay arin diini ah in baari loo noqdo madexweynahaaga.
Ugu dambeeyntii waxaa leeyahay culumada Soomaaliyeed kuwa hal il wax ku fiiriya waa inee fiiriyaan dhinac kasto. Waxaa rabnaa nabadii ee heeysteen Libya feb 4, 2011 ka hor maadama aana dhiig muslim ka hor la daadineeynin. Shacabka liibiyana mideeysnayeen. Waxaa raali ka nahnay Nabadii ee Yemen heeysatay intee fidnadaan dhulka muslimiinta ku faaftay dhicin.
Mucaaradka Libya ka jiro waa fitno, Waa mid asalkiisa la mid ah midii lagu riday Siyaad Barre. Waxaa u rajeeynaya shacabka muslimiinta ah nabad iyo barwaaqo iyo inee baari u noqdaan madexeynahooda ayagoo ku samraayo dhibkasto uu suubiyo. Maxaa yeelay midnimada Muslimiinta ayaa wax kasto ka weyn. Waxaa leeyahay Culumada ku faraxsan in la xasuuqo shacabka madexweynahooda difaacayo waxaa tihiin fitno ee joojiyay hadalada nac-nac da ah aana micno badan sameeyneeynin.
Wabilaahi tawfiiq.
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: CULUMADA SOMALIDA MAXAA SI KA AH? WALAAHI

Post by The_Patriot »

good analysis but if it was somalia seems like inaadh wadadaha uhambalyen laheyd.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”