
Mucjiso aan la filayn ayaa ka dhacday kaniisad ku taala gobolka lagu magacaabo Edo ee dalka Naigeria, kadib markii haweeney uur leh oo kaniisadda ku cibaadaysanaysa ay fooli qabatay.
Dumarkii ka dhalinayay middood ayaa ku qaylisay hadal lala yaabo oo ahaa “Waxay dhashay faras” waxaa kadib joogsaday cibaadadii kaniisadda ka socotay, waxayna dadkii oo idil iyagoo aamini la’ hadalka ay maqleen dul yimaadeen haweeneydii laga dhaliyay faraska.
Durba qaarbaa matag la jeestay qaarna kaniisadda ayay ka carareen.
Wadaadkii kaniisadda ugu weynaa oo lagu magacaabo Silva Wealth ayaa warbaahinta u waramay waxaana hadaladiisii kamid ahaa.
“Waxaan la filayn ayaa dhacay markii haweeneey xaamilo ah ay fooli qabatay kadib waxaa isku gudbay oo soo dhaafi waayay wax lala yaabo”.
Qof kale oo kamid ahaa dadkii kaniisadda yimi ayaa isna wuxuu yiri…. “Annagoo duco wadana ayaan maqlay naag qaylinaysa kadibna waxaa naloo sheegay inay sidii ilmihii u dhashay faras, laakiin daqiiqado kadib faraskii waa uu dhintay”.
Wadaadkii dadka u ducaynayay ayaa wuxuu kaloo yiri “sharaxaad kama bixin karo waxay dhashay, waxaan aragnay dadkii oo ka dhalinaya haweenaydaas wax lala yaabo kaniisadda gudeheeda iyadoo cibaado ay ka socoto, waxaan qiyaasi karo ankee maaha”
Maxamed jaamac Faarax-Barre.


