AUNMid kamid ah Macalimiinta ka hawlgasha Jaamacada Plasma faraceeda Magaalada Marka, ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu dilay Laamiga Wajeer.
Gaar ahaan dilka Macalinkaan, ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhow Hotel Aaran, oo kamid ah Hoteelada sida weyn leh looga garanaayo Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Marka.
Macalinkaan oo lagu magacaabo jiray Prof. Maxamuud Kolow, ayaa waxaa dilkiisa geysatay laba nin oo bistoolado ku hubeysneyd, kuwaa oo da’doodu lagu sheegay kuwo dhalinyaro yaro ah.
Raggaan, ayaa waxaa u suurta gashay in ay ka baxsadaan meeshii ay ku dileen Prof. Maxamuud Kolow, oo markii dambe ay halkaasi meydkiisa ka qaadeen Ciidamada Dowladda.
Gudoomiyaha Degmada Marka ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cusmaan Cali (Yariisow), ayaa caawa sheegay in marxuumka ay dilkiisa ka dambeeyeen laba wiil oo bistoolado wadatay.
Gudoomiyaha, ayaa wuxuu kaloo sheegay inaysan aqoon waxa dhabta ah ee sababay in la dilo ninkaan, oo sidoo kale ahaa Maamulihii Iskuulka Cali Bin Abii Daalib ee Magaalada Marka.
Mid kamid ah Macalimiinta Jaamacada Plasma oo lagu dilay
Moderator: Moderators
Mid kamid ah Macalimiinta Jaamacada Plasma oo lagu dilay
Mid kamid ah Macalimiinta Jaamacada Plasma oo lagu dilay Magaalada Marka
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 1334 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 5 Replies
- 649 Views
-
Last post by Sbashi
-
- 6 Replies
- 1180 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 1 Replies
- 584 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 0 Replies
- 433 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 7 Replies
- 965 Views
-
Last post by ModerateMuslim
-
- 0 Replies
- 741 Views
-
Last post by Abdi-Samatar
-
- 4 Replies
- 514 Views
-
Last post by MALMAHA
-
- 1 Replies
- 551 Views
-
Last post by FarhanYare
