Who is this Nageeye? He doesn't even speak proper Somali.
Well Said Dheeg
Dadka inay xasuustii caqligu Xaaxiyow dhimatay
Oo Xiskii wax kala sooci jiray uunka ka xumaaday
Waxba yay raggii xeerin iyo xoolihii lumay
Dadkan xaafadihii wada burburay oon wali la xayndaabin
Guryo aan xagii sare la dadin xalay ka soo toosay
Ee saaka Xamar doonaya muxuu ku xiiseyey
Xoontay dugaag ku arkayaan xoolahaan galine
Xayaawaano bahalaha wax cuna lama xaroodaane
Soddan sanno xabaal duur ku jiray meel xabsiyo jeel ah
Waadiga xoroobaye Ilaahay ku xamdi mooyaane
Ma xashiish cabaa ku halkii dib ugu xiisoday