Caasha Shaacur/Zeynab: “Walaahan will Hiraab ah ku fariisan kursiga Kheyre, hadiiba taa la isku dayana Xamar waa lagu kala tagayaa oo dowlad laga dhaxli maayo Kheyrea”
Xaaska Madaxweyne Farmaajo Seynab Macalin iyo eedadeed Caasha Shacuur oo la hadlaysay qaar ka mida haweenka ka soo jeeda beesha Murusade ayaa ka hadlay xaalada siyaaseed ee uu dalku marayo iyo sida ay u arkaan.
Labadaan qof oo ehel ahaan ay is-xiga Xasan Kheyre ayaa warbixin ay siinayeen haweenka beesha Murusade u sheegay in wararka maalmahan danbe la isla dhexmaraayay magaalada Muqdisho uu yahay mid aan sal iyo raad lahaynin, isla markaana Xasan Kheyre uusan marnaba iska casili doonin xilka uu hadayo hayo.
Caasha Shaacuur ayaa tiri “ waan naqaanaa cida ku mashquulsan in Xasan Kheyre la ceyriyo ama lagu qabso in uu is caslio, laakiin waxaan idin sheegayaa Xasan Cali Kheyre meel uu socda ma jirto cid qasab ugu ceyrin karto”.
Caasha Shaacuur oo hadalka sii wadata ayaa tiri “ .. Marwada Kowaad waa ay i maqlaysaa hada .. ''''Walaahan will Hiraab ah ku fariisan kursiga Kheyre, hadiiba taa la isku dayana Xamar waa lagu kala tagayaa oo dowlad laga dhaxli maayo Kheyre
Inta uu socoday kulankaas, ayaa Marwa Seynab Macalin oo ku sugnayd goobta shirka ka gaabsatay in ay iyada si toos ah u hadasho, lakiin shirka ayaa ahaa mid ay iyada soo qaban qaabisay, dadkana isugu yeertay oo ay doonaysay in ay ku guubaabiso haweenka beesha Murusade.
Xasan Kheyre ayaa u muuqda mid doonaya in uu dagaal la galo Farmaajo, isla markanaa isku diyaariyo sidii uu ugu tartami lahaa kursiga madaxweynaha.