James Swan & wafdi (Safiiro) uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Dhuusamareeb
https://goobjoog.com/wp-content/uploads ... 80x405.jpg
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan iyo wafdi uu horkacayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.
Swan ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya xubno ka tirsan beesha caalamka, gaar ahaan safiirada dalalka caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka beesha caalamka uu la xiriiro ka wada-hadalka arrimaha doorashooyinka iyo sidii xal mideysan looga gaari lahaa.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in wakiilka Qaramada Midoobay & wafdigiisa ay la kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa ee dowlad goboleedka Galmudug, iyada oo kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada iyo marxaladda lagu jiro.
James Swan ayaa maalmihii u dambeeyey wada wada-tashiyo ku aadan muranka ka jira doorashooyinka, isagaoo kulan hab maqal & muuqaal ah la yeeshay madaxweynayaasha maamullada Puntland & Jubbaland oo ka biyo diidan hannaanka doorashad 2021-ka.
Soomaaliya ayaa waxaa ku soo food-leh doorasho isugu jirto tan baarlamaanka & madaxweynaha, waxaana hareeyey khilaaf u dhexeeya dowladda & mucaaradka.