Isbaheysiya Murashaxiinta isku Beesha ah & Kheyre Oo go’aan gaari weysan
May 17, 20210
Sida ay ogaatay Warqaad waxaa khilaaf iyo kala aragti duwanaan soo kala dhex galay xubnaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ee mucaaradka.
Wararka ayaa sheegaya in isbaheysi gaar ah sameysanayaan Murashaxiinta isku Beesha ah sida Xasan Sheekh Maxamuud,Cabduqaadir Cosoble,Shariif Sheekh Axmed iyo Daahir Geelle.
Kulankii maanta Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dibada usoo saaray kala shakiga jiray maalmahaan.
Ilo wareed aan helnay ayaa sheegaya in Kheyre uu ku fekeriyo inuu gooni noqdo halka Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame iyo isaga loo badinayo inay midoobaan.
Lama oga waxa tani ay ka bedeli doonto Siyaasada kacsan ee Soomaaliya xilli Farmaajo uu weli ku adkeysanayo inuu Xukunka sii joogo.
Hadaladii kicinta ahaa ee Muuse Suudi Yalaxoow shalay sheegay fariintana uu ugu diray Raiisalwasaare Rooble iyo qoraalkoodii shalay Murashaxiinta Madaxweynaha ayaa wax badan isbadel keenay.
Labo maalin waxa ka harsan markii loo ballamay shirka wadatashiga Dawlada Soomaaliya,Dawlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir uga tashanayaan Doorashada sida loo qabanayo.