Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Quotes from Ogaden Poetry

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Mon Jun 14, 2021 4:56 pm

roodo afjano oo gabay ku karbaashtay Tigreegii nabsigu jiidhay

Wayyaanaha halagaa ku dhacay ,hiilla ii noqoye
Hanka jabay hammiga bururay, hadurka soo oodmay
Hawo-gaabsigaa soo wajahay, waa hal aan rabaye
HAAKAALE iyo BAGA Tigree, hagabsi dayn waaye !

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Mon Jun 14, 2021 6:46 pm

jawaabtii uu kaadheeri siiyay abwaan Mjeerteen oo Ogadeen kusoo caayay gu.s wayni :lol:

Wax la yidhi liciib kii is bida , laacib sare jooga
Waligii lur buu kororsadaa, laxaw ku raagaaye
Luga joogsan waayaa mar bay, liimbadaan halis e
Afkaan lala xishoonini mar buu, lulub cantuugaaye
Luudigaa tilmaantiyo dhalfadaa, tidhi lug geel weeye
Waa xubin rag wada leeyahoo, waa lud qaaliya e
La'aanteedna wiil lama yidhaa, waa labood sare e
Haday tiiinu kor u laalantooy, dumar lilayn wayday
Ani taydu waa luul baxoon, lacagi gooynayn e
Last edited by Seedyare on Mon Jun 14, 2021 7:26 pm, edited 2 times in total.

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Mon Jun 14, 2021 6:51 pm

cabdi gorod
Dul qaboobe nimankaa degiyo Doollo iyo Ciidba,
Dirqi yaa ku rari waa sidii, duudka Aw-Belede

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Mon Jun 14, 2021 7:19 pm

mid ka mid ah murti suugaaneedkii Dhoodaan

Dhagax se taabashiyo tuujin iyo, inaad tantoomayso
Saddexdaa midaad ula tagtaa, waa isugu taag e
Nin wixii la toosani mid buu, tuur la leeyahaye
Oo waanada abuurkaa tirtira, oo ka tabar roone

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Tue Jun 15, 2021 5:46 am

Fidhin oo sarbeeb cajiib ku karbaashay Cabdi ilaygii umada juujuubka iyo jarriimada ku naafeeyay.


Dhaameel hasheedii ninkii, iga dhacee qaatay
Iyo kii soo dhiciyay ee, dhiig wadani qaaday
Siday iigu kala dheeryihiin, iigu dhigan buuga

Dhallaankayga kii ila korshee, ila dhaqaaleeya
Iyo kii ka dhamay caanihii, een dhita u reebin
Siday iigu kala dheeryihiin,iigu dhigan buuga

Dhubbadaan ku taagnahay midkii, dhuuxa kala jeexa
Iyo kii gacmaha ii dhigee, dhicidda ii diida
Siday iigu kala dheeryihiin, iigu dhigan buuga

Dhulkanaga dhankiisaw halgame, taagan dhinacayga
Dhambaal qore aduunyada dhex dhige, dhab uga sheekeeye
Iyo kan i dhagraayee indhaha , dhoobo iga saara
Siday iigu kala dheeryihiin, iigu dhigan buuga

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Tue Jun 15, 2021 6:42 am

cisman khaliif xarbi oo maahmaayo ku gabyay


Dadka qaar DADAN buu dhashaa, qaarna DAALACANE
Qaar baa haday doob dhabahayaan,aan dan loo gelin e
Qaar baa haday kuu ducayn ,ay dareen tahay e
Dab munaafaq shiday wuxuu gubaa, muumin daacad ah e
Ninkii dilay naftaadii ,ileen kuma dayo hoos e
Dakaniyo nabsigaad gashana, waad mid kuu daran e


Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Tue Jun 15, 2021 9:10 am

gubaabadii Jaamac Labi



Nin heeryada guumaysiga dugsaday oo, dacayda hoogaanshay
Inuu haykal nololeed helaa, waa habeen tagaye
Ninna se hadyad kuma soo gashiyo, hawl yaraan subax e
Hubka qaata oo heegan gala , waan halgamaynaaye
Haba-yaabi maynee dagaal, hoosta ka xariiiqa
Habar iyo habeenkeed ninkii, hadhina yeelkiisa

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Wed Jun 16, 2021 4:56 am

khadar colaad oo karbaashayaa duqa somali hagardaamadeeda u nool.Waa inaa heblaayo geella jabuuti xuurta ku haysta .Dallaalka wayn ee geeska Afrika ee Somalida oo dhan lugaha u galay





Laalays caanihii laga lisiyo, limidka ciidayda
Ee kii lahaa luuman eed , laaci waa qalad e
Waligaa lahaystaa tihiyo , tuug laxaamadan e
Laangaab lifaaq foolxun oo, Leeysiyaa tahaye
Hadaad sharaftii laasheenna ,waan kula lisaynaaye

Ninkii labac ku fanaa mar bay, luguhu dhuubnaan e
Kii Ladnaanta hayn waaya ,wuu lulan abaalkiiye
Waayahan lurkaagaa batoo , waabad lulataaye
Kuwii lulinta fuul ku yidhi, wayku lumiyeen e
Kolla leefi mayside cidlay, kugu lugooyeen e

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Wed Jun 16, 2021 5:51 am

abwaan ku shihiiday dagaalkii uu tigreega la galay.Abwaan DHagaca-cade ilaahay ha u naxariisto isaga iyo dhamaan ragii kalee shhiiday


Nabad kuma caweeyoo ileen, waan colaadsamaye
Laba ciidan mid uun baan rabaa, inaan la ciidaaye
Car-ceerradii shihiidoo janada, lagu casuumaayo
Iyo cimrigay in loo gaadha oon , calanka hoos joogo
Labadaa mid uun calafsadaan, sii cabirayaaye
Wax kaloon u ciil qabo ma jiro , caawa saan ahaye

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Wed Jun 16, 2021 2:34 pm

Abwaan cabdullahi badal cabdi Qamaan qeexayaha waxa keena hardanka iyo loolanka rag isku maan dhaafo


Shanta qaaradood waxaa ka riday, qayladiyo buuqa

Waxaa qamarka guudiyo hawada, qaraxa loo saaray

Waa quud nin haystiyo mid raba, inuu ka qaataaye

Ama qaab uu gumaytuhu bartiyo, waa qoqoba riixe


Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Wed Jun 16, 2021 3:12 pm

Cuamr Cabdillahi Ciise (Fakad)



Dinaahada libaaxaba dhurwaa, wuu ka didayaaye

Dugaag kale masoo galo halkii, aar dangiigsado e

Daryaankiisa feedhaha ka bixi, laysku deyi waaye

Dacaladda waxay uga maraan, waa dilaa-nimo e

Anna waxa dareeriga galaan, daw ka laliyaaye

Danabkayga meeshaan ku rido, waa duqayn jiraye

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Wed Jun 16, 2021 3:45 pm

murtidii rug-cadaa GANDAAL




Warka hoo waxaan kuu qaddimi, waa wareegtada e

Wax la yidhi ninkii waalane ah, waabiyaa hela e

Wiyil gama’san kii toosiyuu,, galay wadkiisiiye

Cagtii wiririg-laysaa xumay, walam tidhaahdaaye

Wan illaa la gawraco indhuhu, koru ma weecdaane

Dhagihii Illaah waaniyaa, yeela wax u roone

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Wed Jun 16, 2021 3:59 pm

Qaryaan DHoodaan

Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye

Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Thu Jun 17, 2021 5:50 am

murtidii iyo gubaabadii kaadheeri

Midnimaa dhurwaa lagu eryaa, maati kaa dhiba e
Dhammaantiin is kaashadoo kufriga, dhan uga soo jeesta
Ku dhiirada dagaaal dhaba xaq waa, lagu dhaqaaqaaye

Seedyare
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Wed Nov 13, 2019 6:37 am

Re: Quotes from Ogaden Poetry

Postby Seedyare » Thu Jun 17, 2021 6:05 am

heelaale baa ka daba qaatay Dhoodaan oo dhawr gabay oo Qaryaanku lahaa isna PART 2 kasoo saaray .Waxaana gabayadaa ka mid ah GARDARRO iyo SHAAMAREER.Helaale wuxuu sheegayaa inuu Dhoodaan ahaa abwaankii qarniga ,waa ra,yigiisa balse dad badan baa la qaba kadib markay dhaqaysteen xulub--socod,dhugasho ,Gardarro,Garnaqsi iyo Ergo Darood iyo waliba kuwa kaloo badan.


heelaale gabaygiisii GARDARRO sidan baa ku jirtay qaybaha billawga

Qarbud-jecel inaa tahay maslaxo, lagala qiil waayay
Abwaankii qarniga ee murtida , qaadir ugu deeqay
DHOODAAN bay ku wada qeexan tahay, qodobadiisiiye
Asagaa xumaantaadii qoray, oon ka tagin qaybe
Anigana wuxuu kugu qiraan,qaar kusii dariye


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 54 guests