site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET MAGAZINE ...Archives...

ILA TALI


Idinka oo mahadsan maxaad igula talin lahaydeen. Waxaan ahay Gabar Soomaaliyeed, ku nool Yurub, waxaan internetka ka bartay wiil ku nool Canada, muddo ayaan waxaan is dhaafsanaynay e-maiilo iyo Telfoono. Run ahaantii waan kaa helay isaguna waxa uu sheegay in uu iga helay, maalintii aan is baranay oo hadda 5 bilood laga joogo ilaa iyo maanta wuxuu iga codsadaa in aan sawirkayga u diro, isagu kiisa waa ii soo diray. Ma igula talin lahaydeen in aan u diro sawirkayga, ilaa xadkee ayayse saamayn kartaa xiriirkeena haddii aanan u dirin sawirkayga. Jawaab ayaan idin ka sugayaa waadna mahadsan tihiin
Miss X

Talo
Somalinet Magazine
Labada qof oo xiriir samaynaya waxaa muhiim ah in ay kalsooni dhex marto. Haddii aad tiri waa ka helay isaguna waa iga helay iima muuqato sabab aad uga shakidid in aad sawirkaaga u dirtid. Waxaa kale xusid mudan mudada 5-ta bilood oo aad wada sheekaysnayseen waa qiyaasi kartaa in uu yahay qof sawir lagu aamini karo iyo in kale. Haddii uu sawirkiisa kuu soo diray oo aadan adiguna u dirin waa saamayn kartaa xiriirkiina waayo badanaa labada qof oo internet-ka isku barta inta ayan go?aan ku gaarin in ay nolol qaybsadaan waxaa ka horreysa in ay is arkaan. Sawirku ilaa xad waxa uu gali karaa booskii araga. Waxaa kale oo dhici karta haddii aadan sawirkaaga u dirin in uu u qaato inaadan ku kalsoonayn ama aadan run ka sheegin muuqaalkaaga iyo da?daada. Haddii ay kugu adagtahay in aad sawir dirtid sida kaliya ee xiriirkiinu ku badbaadi karo waa iyada oo midkiin kan kale u safro, waa haddii duruuftu idiin ogolaanayso. Waxaan kale oo kugula talin lahayn in aad sawir asturan u dirtid.

Qofkii fikrad wanaagsan haya waa ku soo caawin karaa gabadhaan. U soo dir taladaada magazine@somalinet.com