SomaliNet Online Library

SOMALINET NEWS ...Archives

HOME LIBRARYNEWS ARCHIVESOMALI SOOMAALIYA

DHACA OO KU SOO BADANAYA MAGAALADA BAYDHABO May 24, 2005

Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in dadka deegaanku ay walaac xoogan ka muujinayaan dhaca hantida,kaasi oo sida la sheegayo loo adeegsanayo heyb qabiil.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa wararku sheegayaan in lagu kala dhacay gaadiid farabadan iyadoo todobaadkii horana lagu dhacay bartamaha magaalada isgaarsiinta loo yaqaano fooneeyaha oo laba radio ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in culama`uddiinka magaaladaasi ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan sidii loo furdaamin lahaa gaadiidka iminka la kala haysto,waxaana culimadu ay tilmaameen inuu falkani abuuri karo isku dhac beeleed.

Dhacan ayaa bud-dhig u noqday in gaadiid farabadan oo ka shaqeeynayay magaalada gudaheeda iyo dibadeedaba la xareeyay cabsi daraadeed,sidoo kale waxaa inta badan albaabada loo laabay goobihii gacacsiga ee magaaladaas.

Dadka u kuurgala arimaha siyaasada soomaaliya ayaa qaba in goob kasta uu dhaca qabiilku ku soo bato laga yaabo in ay ka qarxaan iska hor imaadyo hubeeysan bacdamaa beel walba oo soomaali ah ay haysato hub aad u farabadan islamarkaasina ay sababto qasaare ay baaxadiisu weyn tahay.

xasan dhaaleey

dheel10@hotmail.com

mogadishu somalia