Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Sagaal qof oo ku dhaawacantay laba qarax oo galabta ka dhacay Muqdishu
Sat. July 07, 2007 11:37 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Sagaal qof oo uu ku jiro askari ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa galabta ku dhaawacmay laba qarax oo ka dhacay banaanka hore ee shirka xawaalada Dahab-Shiil ee ku taalla koonfurta Muqdishu – iyadoo caasimadana ay ka socdaan howlgalo baaritaan oo xoogan oo xaga amaanka ah.

Badi dadka dhaawacmay ayaa ahaa ilaalada shirkada oo qaarkooda uu daran yahay dhaawacooda.

Qaraxa ugu horeeyey ayaa burburiyey gaari uu leeyahay shaqaale ka tirsan Dahab-Shiil, waxaana qaraxaasi uu dhaawacay dhowr qof.

Bam kale ayaa ka dhacay daqiiqado ka dib markii askar ka tirsan dowlada ay ku soo yaaceen goobta uu qaraxa koowaad ka dhacay.

“nin aan la aqoon oo labisan dareeska ciidamada ayaa bam ku tuuray askar ku soo xoontay halka qaraxii hore uu ka dhacay, hal boolis ah ayaa six un ugu dhaawacmay halka dhowr kale oo ka tirsan shaqaalaha Dahab-Shiil ay ku dhaawacmeen,” sidaana waxaa yiri Abdulahi Xassan oo ka mida dad deegaanka.

Ciidamada amaanka ee dowlada KMG ayaa isku hareereyey aaga qaraxa uu ka dhacay, iyagoo bilaabay baaritaano.

Cidina looma soo xirin weerarada bambaano. Qiiq uuro madoow ah ayaa laga arkayey aaga qaraxyada ay ka dhaceen, iyadoo dadka ganacsatada ahna ay dareemeen cabsi aad u weyn.

Kooxna ma sheegan mas’uuliyada weeraradan ugu dambeeyey oo yimid iyadoo Muqdishu ay gashay maalinteedii saddexaad oo ay ka socdaan howlgalo balaaran oo looga gol leeyahay in lagu soo celiyo amaanka iyo xasiloonida, tiiyoo hal todobaad uun ay ka harsan tahay xiliga la qaban lahaa shirka dib u heshiisiinta qaran.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


63

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(54) NORTH AMERICA(9)
:::63 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,753,421 posts, 121,621 topics and 77,157 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.