Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Qaraxyo caawa ka dhacay Muqdishu
Sat. July 07, 2007 08:27 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Ilaa saddex qarax iyo rasaas daba socota ayaa caawa abaarahii 8:00 laga maqlay nawaaxiga suuqa weyn ee Bakaaraha ee koonfurta Muqdishu, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo xoogan oo isugu jirta Ethiopian iyo kuwa dowlada KMG.

Dad deegaanka ah oo taleefoonka kula soo xiriiray xafiiska Somalinet ayaa sheegay in qaraxyadu ay u muuqdeen inay ka dhaceen wadada wadnaha oo dhinac marta suuqa bakaaraha.

“Saddex qarax oo isdaba joog ah ayaa dhacay, waxaana ka dib la maqlay rasaas daba-socotay, ilaa hadda ma ogin waxa ay qaraxyadan yihiin, laakiin waxay u muuqdeen weerar lagu soo qaaday askarta joogta isgoyska Howlwadaag,” sidaana waxaa yiri Liibaan Cumar oo taleefoonka ugu waramay Somalinet.

Way adag tahay in si dhab ah loo ogaado khasaaraha ka dhashay qaraxyada caawa bandowga saaran magaalada awgiis.

Magaalada Muqdishu ayaa waxaa caadi ka noqday qaraxyada iyo tacshiiradaha lala beegsano ciidamada dowlada ilaa markii bandowga la saaray todobaad ka hor.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


85

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(50) NORTH AMERICA(27) EUROPE(8)
:::85 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,706,248 posts, 116,312 topics and 76,753 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.