Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Booliska dowlada oo dhaawacay shan qof qarax ka dib
Sun. July 08, 2007 10:33 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay rasaas ay fureen askarta dowlada KMG ee Soomaaliya markii qarax bambaano uu manta ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, meel ku dhow shirkadaha isgaarsiinta ee sida qaaska ah loo leeyahay – iyadoo caasimada Muqdishuna ay ka socdaan howlgalo balaaran oo hub lagu baarayo maalintii afaraad.

Qof goob jooge ah ayaa u sheegay Somalinet in qaraxa uu ka dhashay bamb gacmeed lagu soo tuuray askarta dowlada oo ku guda jiray howlo baaritaan qeybo ka mida suuqa Bakaraha.

Ma jiraan khasaare deg deg ah oo laga soo sheegay askarta dowlada, laakiin tacshiirad ay fureen qaraxa ka dib ayaa sababtay dhaawac soo gaaray shan qof oo rayid ah oo ka ag-dhowaa goobnta qaraxa uu ka dhacay.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in askarta dowlada uu khasaare ka soo gaaray bamkaasi lagu weeraray.

Baabuurta iyo dadka ayaan weli loo ogoleyn inay iosticmaalaan wadada Wadnaha ooi dhinac marta suuqa Bakaraha oo bartilmaameedu ah howlgalada hada socda ee hubka lagu baarayo.

Dhinaca kale, Muqdishu ayaa hada sii galaysa rabshado iyadoo dhawaaqa rasaasta iyo qaraxyo laga maqlayo dhinac kasta oo ka mida qeybaha koonfureed ee magaalada.

Askarta dowlada KMG ayaa lagu eedeenayaa inay rasaas aan kala sooc laheyn u diraan jiho kasta oo ay boob ku hayaan meelaha ganacsiga, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


57

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(56)
:::57 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,714 posts, 125,195 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.