Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Gaari ku qalibmay bartamaha Soomaaliya oo geystay dhimasho iyo dhaawac badan
Sun. July 08, 2007 10:39 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Sagaal qof oo u badan haween iyo caruur ayaa ku dhintay, in ka badan boqolna waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya shalay gelinkii dambe, sida uu maanta sheegay mas'uul deegaanka ah.

gaari xamuul ah oo sida 150 rakaab ah ayaa ku qalibmay duleedka magaalada Guri-Ceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud, sda uu sheegay gudoomiyaha degmada Guri-Ceel Cali Sheik Mohamud.

dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaal ku yaala Guri-Cel halkaasoo haatan lagu daweenayo.

Cismaan Maxamed oo ka mida dadkii ka badbaaday shilka ayaa taleefoonka ugu sheegay Somalinet in shilka uu dhacay markii darawalka oo ahaa kirishbooy uuu xawli ku kaxeeyey gaariga oo ku socday wado raf ah.

waxa uu ahaa shilkii baabuur ee ugu halista badnaa ee ka dhaca dalka ilaa markii la riday dowladii hore sanadkii 1991-kii.

gaariga oo ka soo safray magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee maamul goboleedka Puntland.

Badi dadkii socotada ahaa ee wayeeladu soo gaartay ee ka baxsanayey dagaalada koonfurta Soomaaliya ayaa doonayey inay doonyo ka raacaan magaalada xeebta ee Boosaaso si ay u gaaraan dalka Yemen si ay halkaasi ugu badbaadaan oo ay nolol uga helaan balse halkii ugu dambeysa ee lagu aaso aaa noqotay Guri-Ceel.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


56

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(4) NORTH AMERICA(50) EUROPE(2)
:::56 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,679,956 posts, 113,610 topics and 76,474 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.