|
|
Beelaha Hawiye oo ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta qaran Sun. July 08, 2007 10:58 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Gudoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye oo ku xoogan koonfurta Soomaaliya ayaa maanta sheegay in odoyaasha Hawiye ay si sharuud la'aan ah uga qeyb geli doonaan shirka dib u heshiisiinta qaran ee soo socda ee la qorsheeyey in 15-ka bishan uu ka dhaco Muqdishu.
Isagoo la hadlayey suxufiyiinta Muqdishu, ayaa Xaaji Cabdi Iimaan waxa uu sheegay inuu ka laabtay go'aankii uu ku diidayey inuu ku yimaado shirka.
"ka dib wada-tashiyo aan la yeelanay madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed, gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo gudoomiyaha shirka dib u heshisiinta Cali Mahdi Maxamed, haddii aan nahay odoyaasha beelaha Hawiye waxaan go'aansanay inaan aqbalno inaan ka qeyb galayno shirka loo dhan yahay ee dib u heshiisiinta qaran," ayuu yiri Xaaji Cabdi Iimaan.
Hogaamiyaha Hawiye waxa uu sheegay inuu tanaasulkan u sameeyey sababo la xiriira danta guud ee shacabka.
waxa u yiri "waxaan doonayaa inaan u sheego dadka inaysan u qaadan inaan laaluush ka qaatay dowlada KMG laakiin sababta aan uga laabtay go'aankeyga uu yahay danta ummada,"
Hadalka Xaaji Cabdi Iimaan ayaa ku soo beegmaya xilli kulan Balaaran uu maanta uga furmayo Hotel Lafweyn odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda beelaha Hawiye.
2-dii bishan, ayaa shirkii wada-tashiga ee Hawiye ee lagu waday inuu ka dhaco Muqdishu si loo xaliyo farqiga u dhexeeya beelaha Hawiye uu dib u dhacay ka dib markii beelaha Hawiye ay isku maan-dhaafeen arrinta ku saabsab in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan Soomaalya.
Qaar ka mida raga u muuqda oo uu ku jiro Xaaji Cabdi Iimaan ayaa xiligaasi ku adkeystay in arrinta Ethiopia lagu soo daro ajendaha loo hadlayo kulanka, taasoo xubnaha kale ee Hawiye ay ka soo horjeesteen, waxay arrintaasi dhalisay khilaafka hadda u dhaxeeya beelaha.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|