|
|
Qarax Muqdishu ku dilay dad rayid ah, howlgalada oo sii socda Mon. July 09, 2007 01:11 pm.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Laba qof ayaa geeriyootay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen markii bam uu ku qarxay suuqa weyn ee Bakaaraha eek u yaalla koonfurta Muqdishu â iyadoo caasimadana ay gashay maalinteedii shanaad oo ay ka socdaan howgalo lagu baarayo hub, laguna ugaarsanayo waxa ay dowlada ugu yeertay âkooxaha argagixisadaâ
Qaraxa ayaa saakey ka dhacay qeybta dahabka lagu iibiyo ee suuqa Bakaaraha, markii nin aan la aqoon uu bam gacmeed ku weeraray askar ka tirsan dowlada oo ku guda jiray howlo baaritaan.
Bamka ayaa la sheegay in lala waayey bartilmaameedkiisa oo uu dilay laba rayid ah iyo dhaawac uu soo gaarsiiyey shan kale oo ku sugneyd suuqa.
âaad baan u baqay markii qaraxa uu dhacay, waxaan arkay laba qof oo dhulka yaalla oo korkooda uu dhiig daboolay, waan hubay in ay naf baxeen, aad baan u nasiib badnaa inaan ka badbaado qaraxaasi, waxa uu ahaa shil fool xun,â ayey tiri Nasro Cabdulaahi oo ka mida hablaha dahabka ku iibiya suuqa Bakaaraha.
Wax yar ka dib markii dhacay qaraxan, ayaa ciidamada dowlada waxa ay xireen aaga iyagoo deetana ku dhaqaaqay baaritaan, laakiin ma jirin cid loo xiray sababta qaraxa dhacay.
Ma jirto ilaa hadda cid sheegata masâuuliyada weerarada bambaano ee ka dhaca Muqdishu.
Dadka ka ganacsada suuqa Bakaaraha oo ah goobta ganacsi ee ugu weyn ee koonfurta Soomaaliya ayaa aad uga walaacay hareereynta ay ku hayaan ciidamada dowlada.
Dhawaaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa gudaha Bakaaraha iyadoo askartuna ay aagag ka galeen wado kasta oo suuqa dhexmarta, iyagoo baaraya dhamaan dadka suuqa soo galaya ama ka baxaya.
Waa howlgalkii ugu balaarnaa ee ay ciidamada dowlada KMG ka fulinayaan gudaha iyo dibada suuqa Bakaaraha ilaa iyo markii dowlada ay Ethiopia taageerto ay qabsatay caasimada lix bilood ka hor markii halkaasi laga saaray maxaakimtii islaamiga.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|