Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION
http://sheekomagazine.com/

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Ethiopian-ka oo dad xir xiray
Mon. July 09, 2007 01:12 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Ciidamada Ethiopia ee ku sugan caasimada Soomaaliya ee Muqdishu ayaa xiray todobo qof oo ay ka soo qabteen xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee waqooyiga Muqdishu ka dib markii xalay qarax bambaano uu ka dhacay meel ku dhow fariisin ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin gudaha garoonka kubada cagta ee Stadium Muqdishu.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay Somalinet in ciidamada Ethiopia ay saakey weerareen guryo ku yaalla meel ku dhow xeradooda oo ay meelahaasi la soo qabteen dad ay tuhmeen.

“ka dib markii waaga beryey, ayaa ciidamada Ethiopian-ka ee degan garoonka kubadda cagta waxa ay baaritaano ugu dhaqaaqeen dhowr guri meel ku dhow halka xalay uu qaraxa ka dhacay, waxayna guryahooda kala baxeen todobo rag ah oo isugu jira dhalinyaro iyo waayeel,” ayuu yiri Cali ducaale.

Ducaale waxa uu intaasi ku daray in laba nin oo burcad ah ay bam ku tureen guri ku yaalla xaafada oo ay doonayeen inay dhacaan laakiin bartilmaameedku ma aheyn Ethiopian-ka.

Mid ka mida dadkii la xiray ayaa la iska soo siidaayey, sida ay wararka sheegayaan.

Xarigan ayaa ymid iyadoo dowlada Soomaaliya askarteeda ay wadaan howlgalo balaaran oo amaanka lagu sugayo malaintii shanaan oo xiriir ah.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


117

ACTIVE CHAT GROUPS
SOOMAALI(5) E-PALS(79) NORTH AMERICA(33)
:::117 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,747,929 posts, 121,223 topics and 77,101 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.