|
|
Sarkaal ka tirsan MSF-Swiss oo lagu dilay bartamaha Soomaaliya Mon. July 09, 2007 01:13 pm.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Sarkaal ka tirsan hay'ada samafalka ee MSF-Swiss ayaa maanta dharaar cad lagu dilay magaalada Beledweyne oo 350km waqooyi kaga beegan caasimada Muqdishu, sida wararku ay sheegayaan.
Nin soo xirtay dareeska ciidamada dowlada ayaa dilay Ibraahim Cabdi Ciise. Mr. Cabdi ayaa lagu toogtay isagoo dhex lugeenaya bartamaha Beledweyne oo magaalo madax u ah gobolka Hiiraan.
“saakey waxaan maqlay dhawaaqa rasaas, waxaana mar dambe ogaaday in sarkaal ka tirsan MSF-Swiss, ayuu yiri qof deegaanka ah.
wararka qaar ayaa sheegaya in mas'uulkaasi loo dilay aano qabiil.
dilka Cabdi ayaa yimid iyadoo amaandaro baahsan ay ka jirto gobolka, iyadoo qofkii dilka geystay uu baxsaday.
wax yar ka dib markii dilkaasi uu dhacay, ayaa ciidamada amaanka waxa ay soo gaareen goobta dilka uu ka dhacay iyagoo baaray aaga.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|