Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Ganacsatada gobolka Banaadir oo dowlada kala shiray arrinta suuqa Bakaaraha
Tue. July 10, 2007 10:10 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Guddiga amaanka qaranka ee dowlada KMG iyo ganacsatada ee gobolka Banaadir ayaa isku afgartay in guddiga ganacsatada ay goob joog u noqdaan talaabo kasta oo ciidamada dowlada KMG ku baarayaan suuqa.

Gudiga amaanka qaranka ayaa aqbalay in guddi ka kooban 10 xubnood oo ka socda ganacsatada gobolka ay la shaqeeyaan ciidamada dowlada oo ay ku wehliyaan howlagalodooda baaritaan ee ay ka wadaan suuqa Bakaaraha.

Kulan muhiim ah oo ka dhacay Muqdishu, ayaa guddiga amaanka qaranka iyo ganacsatada gobolka hadal ay soo saareen waxa ay hoosta kaga xariiqeen in dadka loo ogolaado inay shaqooyinkooda wataan.

Suuqa ayaa loo qeybiyey afar aag halka shirkad kasta oo ganacsi loo qoondeeyey shan askari oo amaankooda ilaaliya.

Madaxa howlgadala baaritaan ee Muqdishu Yusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in waxa ay doonayaan uu yahay in hubka iyo waxyaabaha kale ee qarxa laga nadiifiyo suuqa Bakaraaha oo ujeedadoodu aanay aheyn inay lacag qaataan.

Waxa uu sheegay inay iskaashi ka doonayaan ganacsatada gobolka oo looga baahan yahay buu yiri inay qeybtooda ka qaataan soo celinta amaanka.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


91

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(4) NORTH AMERICA(87)
:::91 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,694,505 posts, 114,772 topics and 76,624 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.