Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Shan qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay koonfurta Soomaaliya
Tue. July 10, 2007 01:25 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Dagaal cusub oo dhexmaray ciidamada dowlada KMG iyo maleeshiyo daacad u ah maamulkii hore ee Shabellada hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa shalay ka dhacay deegaanka Shalaanbood oo gobolkaasi ka tirsan, kaasoo ay ku dhinteen shan qof, lix kalena ay ku dhaawacmeen, sida dadka deegaanka ay maanta sheegeen.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Shalanbood oo 10 km koonfur kaga beegan magaalo madaxda gobolka Shabeleda hoose ee Marka ayaa Somailinet ugu sheegay qadka taleefoonka in dagaalkaasi uu bilowday shalay, waxa uuna dhexmaray ciidamada dowlada oo weerar soo qaaday iyo maleeshiyo horey halkaasi u joogtay.

“dagaalka saacado badan ayuu socday ilaa xalay iyadoo labada dhinac ay isdhaafsanayeen hubka cul culus, ciidamada dowlada ayaa hada gacanta ku dhigay magaalada, laakiin weli waxaa jirta xiisad colaadeed,” sidaana waxaa yiri Cusmaan Mayo woo ka mida dadka deegaanka.

Dagalka ayaa saakey iskiisa u istaagay inakstoo ay rasaas goos goos ah laga maqlayo meelaha ku dhow dhow Shalaanbood.

Dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka deegaanka Shalaanbood, iyadoo ay xirmeen isku socodka gaadiidka.

Dhinaca kale qof rayid ah ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen tacshiirad ay is-dhaafsadeen ciidamada maamulka iyo maleeshiyo bartamaha magaalaad Marka saakey.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


35

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(13) NORTH AMERICA(21) EUROPE(1)
:::35 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,702,438 posts, 116,030 topics and 76,705 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.