Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Rayid ku dhintay qaraxyo maanta ka dhacay Bakaaraha
Tue. July 10, 2007 01:26 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Afar Qarax oo kala gooni ah ayaa maanta ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha eek u yaalla koonfurta Muqdishu halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof oo rayid a, ayna ku dhaawacmeen todobo kale oo qaar ay yihiin boliska dowlada KMG ee Soomaaliya.

Askarta dowlada ee ku lugta leh howlgalo balaaran ee amaanka lagu sugayo ayaa bartilmaameed u ah weeraro bambaano oo ay fuliyaan kooxo mucaarad ah.

“anigoo saakey u deg degaya goobteyda shaqada ayaa waxaa banaanka masaajidka Abu-Hureyra ee suuqa Bakaaraha waxaa ka dhacay qarax, waxa uu ahaa qarax xoogan oo ka dhashay bam gacmeed uu soo tuuray qof aan la aqoon oo ku dhex dhuuntay shacabka,” ayey yiri Aaamino Maxamed oo u waramaysay Somalinet.

Tiro ka mida booliska dowlada ayaa ku dhaawacmay qaraxii ugu horeeyey, iyadoo saddex qarax oo kalena ay ka dib dhaceen.

Lo xaga caafimaadka ayaa sheegaya in dhaawaca booliskala geeyey isbitaal Madiina.

Askarta dowlada maanta markii uu qaraxa dhacay ma aysan furin wax rasaas ah sida ay horey u sameeyn jireen oo kale.

Tobaneeyo rayid ah ayaa lagu dilay, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshadaha Muqdishu ilaa markii dowlada KMG ay bilowday howlgalada baaritaan todobaad ka hor.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


84

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(3) NORTH AMERICA(81)
:::84 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,694,507 posts, 114,771 topics and 76,624 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.