Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Taliye boolis oo lagu dhaawacay Muqdishu, Ethiopian-ka oo dad xir xiray
Tue. July 10, 2007 01:27 pm.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Shan ka tirsan askarta dowlada KMG oo uu ku jiro taliyaha saldhiga booliska Galbeed ee degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdishu ayaa xalay lagub dhaawacay weerar bambaano oo lala eegtay gaari uu watay.

Bamka ayaa lagu tuuray gaari ay saarnaayeen taliyaha iyo dhowr ka mida ilaaladiisa iyagoo markaa ku guda jiray rondo ay ku marayeen dukaamada shaaha laga cabo ee Macmacaanka, sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Dharkeenleey Cabdulaahi Macalim.

“Dhaawaca taliyaha saldhiga ma cusla, waxaana hadda lagu daweenayaa isbitaalka, waanu soo qaban doonaa kuwii ka dambeeyey weerarka,” ayuu yiri Macalim.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta qaraxa uu dhacay, waxayna halkaasi ak bilaabeen baaritaano la xiriira inay qabtaan qofkii weerarka bambaano qaaday.

Dhinaca kale xalay 8-dii fiidnimo ayaa laba qarax waxa ay ka dhaceen xaafada Buulo-Xuubeey degmada Wada-jir meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Somalinet in bartilmaameed qaraxyada ay muuqdeen kuwo lala beegsanayey ciidamada Ethiopia oo shalay baaritaan ku sameeyey dhowr guri, kana soo helay hub.

Majiraan khaaare deg deg ah oo soo gaaray ciidamada Ethiopian-ka. Saakey aroortii ayaa ciidamada Ethiopia waxa ay weerareen masaajid ku yaalla meel ku dhow halka xalay uu ka dhacay qaraxa, iyagoo xir xiray dad badan oo masaajidkaasi ku cibaadeesanayey.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


59

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(58)
:::59 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,708 posts, 125,194 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.