Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Wafdi ka socda Midowga Yurub oo Muqdishu soo gaaray
Wed. July 11, 2007 10:19 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Wafdi heer sare oo uu horkacayey ergeyga qaaska ee Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya George Marck Andrew ayaa hadda booqasho maalin ah ku jooga magaalada Muqdishu ee caasimada Soomaaliya.

Wafdigaasi ayaa madaxda dowlada kala hadlaya arrimaha shirka dib u heshisiinta Soomaalida ee la qorsheeyey inuu qabsoomo 15-ka bishan.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada KMG la dhigay dhamaan wadooyinka soo gala ama ka soo baxa xarunta madaxtooyada halkaasi wafdiga lagu qaabilay.

Wax yar ka dib markii ay ka soo degteen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu, ayaa wafdiga waxa ay kulan albaabadu u riixan yihiin la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Waxaa la filayaa inay mar dhow saxafaada la hadlaan, ka dibna ay dib ugu laabtaan Nairobi.

Booqashada wafdiga Midowga Yurub ayaa timid iyadoo rabshadaha Muqdishu ay isa sii tarayaan oo ay dhacayaan weeraro banaano iyo dilal qorsheysan oo ka dhan ah ciidamada dowlada.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


57

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(3) NORTH AMERICA(54)
:::57 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,748,541 posts, 121,269 topics and 77,105 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.