Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Rabshada Muqdishu oo maanta ay ku dhinteen rayid iyo askarba
Wed. July 11, 2007 10:21 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Afar qof ayaa ku dhimatay, lix kalena saddex ay boolis yihiina waa ay ku dhaawacmeen laba qarax bambaano oo ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee koonfurta Muqdishu halkaasoo ciidamada dowlada KMG ay maalintii 7aad ka wadaan howlgalo baaritaan oo looga gol leeyahay in lagu soo celiyo amaanka.

Qaraxii ugu horeeyey ayaa dhacay abaarahii 7:30 subaxnimo ee maanta markii nin aan la aqoon uu bam gacmeed ku tuuray goob ay joogeen ciidamada dowlada KMG oo ku guda jiray howlgalo baaritaan.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay afar rayid ah waxaana ku dhaawacmay laba askari, iyadoo ciidamadana ay rasaas cirka u ridayeen si ay u helaan qofka weerarkaka dambeeyey.

Daqiiqado ka dib, qarax kale ayaa ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, kaasoo sababay dhaawaca hal askari iyo afar rayid ah oo ay ku jirto haweeney.

Meel kalena, nin aan la aqoon oo ku hubeysan bistoolad ayaa isgoyska KPP ee Muqdishu ku dilay askar ka tirsan dowlada.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay laakiin ma aysan helin cidii ka dambeysay weerarka.

Dhinaca kale miino la dhigay wadada dhinaceeda nawaaxiga Suuq Bacaad ee waqooyiga Muqdishu ayaa sababtay dhaawaca hal askari.

Waxa uu ahaa bam nooda dhulka lagu aaso oo lagu hagayey qalabka sheeda wax ka haga, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


100

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(82) NORTH AMERICA(12) EUROPE(6)
:::100 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,694,406 posts, 114,800 topics and 76,628 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.