Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Qaraxyo weli ka socda Muqdishu, khasaare soo gaaraya dadka
Thu. July 12, 2007 10:12 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Xaalada fowdo ah ayaa ka jirta koonfurta magaalada Muqdishu ee caasimada Soomaaliya iyadoo ilaa lix qarax iyo tacshiirado ay maanta ka dhaceen gudaha Suuqa Bakaaraha oo todobaadkii ku jira go’doomin.

Qaraxyadan bambaano ee ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa sababay dhimashada saddex qof oo rayid ah iyo dhaawac soo gaaray sideed kale oo uu ku jiro askari boolis ah.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Somalinet in bambaanooyinka lala beegsanayey askarta dowlada KMG ee howlgalada ka wada suuqa Bakaaraha.

“Aad bay halis u tahay in lagu shaqeysto suuqan, waqti kasta waxaad maqlaysaa qarax iyo rasaas, ma aqaan waxa aan sameeyo, ma sii joogi karo xaaladan qasan,” ayuu yiri Abdikarin Sheik Hassan, oo ah dukaanle u waramayey Somalinet oo intaasi ku daray inuusan shaqeysan ilaa markii ay bilowdeen howlgalada baaritaan todobaad ka hor.

Suuqa Bakaaraha, oo dowlada KMG ay aaminsan tahay inuu yahay meesha ugu daran, ayaa ku jiray xaalada gebi-dhacleyn ah oo marna ganacsiga uu furmayey marna uu xirmayey, iyadoo ganacsatadana ayaa qaati ka taagan yihiin qalalaasaha jira.

Rag aan la aqoon oo deegaanka ah ayaa wada inay weeraro bambaano la beegsadaan askarta dowlada KMG. Kooxna ma sheegan mas’uuliyada rabshadaha isa soo taraya.

Dhamaan xarumaha ganacsiga ayaa la xiray iyadoo dadkana ay cidleeyeen suuqa iyagoo la cararaya lafahooda.

Dhinaca kale, barakac cusub ayaa maanta ka bilowday qeybo ka mida caasimada Muqdishu iyagoo ku sii jeeda duleedka magaalada si ay halkaasi ugu badbaadeen.

Dadka cararaya ayaa ka cabsi qaba in duqeyntii ay ku soo laabato caasimada ka dib weeraradii hoobiye ee xalay dhacay oo ay fuliyeen taageerayaasha maxaakimtii Islaamiga ee dalka laga saaray.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


82

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(51) NORTH AMERICA(28) EUROPE(3)
:::82 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,706,189 posts, 116,306 topics and 76,753 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.