|
|
Madaxweyne Yusuf: xitaa hadii ay soo ridaan Nukliyeer shirka waa qabsoomayaa Thu. July 12, 2007 10:13 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ku adkeystay in shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed uu si kastaba ka dhacayo Muqdishu sidii loogu tala galay, isagoo dafiray rabshadaha ka oogan caasimada.
Shir jaraa'id oo uu wada jir ula qabtay gudoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa madaxweyne Yusuf waxa uu ka hadlay xaalada hadda dalka uu ku sugan yahay iyo sida dowlada ay uga go'an tahay inuu qabsoomo shirka dib u heshiisiinta isagoon ka dib dhicin waqtigiisa.
Mar wax laga weydiiyey weeraradii hoobiye ee xalay lagu qaaday fariismida dowlada KMG ayaa Mr. Yusuf waxa uu sheegay rabshdaha aysan ka weecin doonin dowlada dadaalka ay ugu jirto inay qabato shirka.
"Hoobiye iska daayee, xitaa haddii ay soo ridaan Nuclear, shirka waa furmayaa waqtigii loo qorsheeyey, ciidamadeena amaanka waxa ay sii wadi doonaan howlgalada hub ka dhigista iyo ugaarsiga ay ku hayaan dadka ka dambeeya weerarada," ayuu yiri madaxweyne C/laahi Yuusuf.
Shirkiisa jaraa'id ayaa madaxweynahu waxa uu mar kale cafis u fidiyey dhamaan taageerayaashii maxaakimtii Islaamiga marka laga reebo kuwa taageera xag-jirnimada.
Xaaji Cabdi Iimaan ayaa sheegay in madaxweynahu uu ka balan qaaday in dhamaan dadkii ka cararay dalka cabsi ay ka qabaan in laga aar goosto la cafiyey ayna dalka ku soo laaban karaan.
Madaxweynaha waxa uu sidoo kale meesha ka saaray in ciidamada shisheeye ay ka baxayaan dalka isagoo sheegay in ciidamada ajaanibka ay joogayaam ilaa inta nabada lagu soo celinayo dalka.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|