Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Askari Ethiopian ah oo Muqdishu lagu dilay
Sat. July 14, 2007 09:38 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Nin mayal adag oo aan la aqoon oo lagu xiriirshay maxaakimtii Islaamiga ee dalka laga saaray ayaa maanta askari Ethiopian ah ku dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel ku dhow isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee SOS ee ku yaalla waqooyiga Muqdishu, sida dadka deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Somalinet.

Wararka waxa ay sheegayaan in nin ku hubeysnaa bistoolad uu ku soo dhowaaday askar Ethiopian ah oo taagneyd meel wadada dhinaceeda ah, isagoo markaa gaadmo ku dilay mid ka mida askartaasi, deetana ku tuuray bam gacmeed si uu ugu baxsado.

“Waxaa arkayey askari Ethiopian ah oo dhulka yaala,” ayuu yiri Bashiir Faarax oo ah dabakaayad yar ku dhinac laamiga dhinaciisa.

Wax yar ka dib markii uu dhacay weerarkaasi gaadmo ayaa ciidamada Ethiopian-ka waxa ay jiho kasta u fureen rasaas, taasoo dhaawacday nin ka mida dadka wadada lugeenayey.

Askarta Ethiopian-ka ayaa bartilmaameed u ahaa weeraro bambaano, ismiidaamin iyo qaraxyo ilaa markii ay dalka ka saareen maxkamadahii Islaamiga dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


90

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(3) NORTH AMERICA(86) EUROPE(0)
:::90 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,694,508 posts, 114,771 topics and 76,624 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.