Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Gudoomiye ku xigeenka degmada afgooye oo maanta la dilay
Sun. July 15, 2007 10:01 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Gudoomiye ku xigeenka degmada Afgooye oo 30km koonfurta kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdishu ayaa maanta lagu dilay qarax bambaano oo ka dhacay banaanka xafiisak dowlada hoose ee ku yaalla magaalada.

Xasan Axmed Xasan oo dhexada ah ayaa lagu dilay qarax ka dhashay bam gacmeed uu soo tuuray qof aan la aqoon abaarahii 10:17 barqanimo ee maanta isagoo markaasi ka soo baxay shir ay lahaayeen madaxda dowlda ee degmada, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Qaraxa ayaa sidoo kale dilay laba qof oo rayid ah iyo dhaawac soo gaaray afar kale iyadoo qofkii weerarka soo qaadayna uu baxsaday isagoon waxba la gaarsiin.

Ciidamada amaanka ee magaalada ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, halkaasoo ay ka bilaabeen baaritaano la xiriira cidii ka dambeysay weerarka.

Madaxda dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa bartilmaameed u ahaayeen dilal qorsheysan ilaa markii maxaakimtii islaamiga ay ka adkaadeen ciidamada Ethiopai oo taageerayey dowlada KMG dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


36

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(11) NORTH AMERICA(23) EUROPE(2)
:::36 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,702,427 posts, 116,031 topics and 76,705 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.