|
|
Hoobiyayaal maanta lagu weeraray goobta Shirka dib u heshiisiinta uu ka furmay ee waqooyiga Muqdishu Sun. July 15, 2007 10:13 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Kooxo mintidiin ah oo lagu xiriirshey maxaakimtii Islaamiga ee Soomaaliya ayaa goor dhoweyd weerar hoobiye ku qaaday meel ku dhow halka uu ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee waqooyiga Muqdishu.
Weerarkan ayaa dhacay daqiiqado ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu ka khudbeeyey xafladii furitaanka shir weynaha dib u heshiisiinta ee mudada dheer la sugayey, laba jeerna dib u dhacay, iyadoo amaanka aad loo adkeeyey.
Dad deegaanka ah ayaa u sheegay Somalinet in ilaa todobo hoobiye ay ku dhaceen degmada Cabdulaziz ee waqooyiga Muqdishu.
Weli ma cadda haddii goobta shirkaasi oo ah xaruntii hore ee gaadiidka booliska ay ku dhaceen hoobiyayaasha.
Wararka ayaa sheegaya in saddex qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen weerarka hoobiye. Weerarkan ayaa lagu soo beegan xiliga uu furmay shirka. Jahwareer xoogan ayaa ka jira goobta uu shirka ka dhacayo, sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow goobta.
Ciidamada amaanka ayaa hadda baaraya halka rasmi ahaan laga soo qaaday weerarkan hoobiye.
Jimcahii la soo dhaafayna, kooxaha Islaamiyiinta ee Soomaaliya ayaa wacad ku maray inay arbushayaan wadahadalka nabada ee Muqdishu ka dhacaya iyagoo sheegay inay dilayaan cid kasta oo isku-dayda inay ka qeyb qaadato shirkaasi.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|