|
|
R.W. Geeddi: Kama war qabo heshiis lala galay shirkadaha shidaalka baara ee China Tue. July 17, 2007 09:40 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Ra’iisal wasaaraha dowlada Federaalka KMG ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo wareysi siiyey jariirada Financial Times ayaa iska fogeeyey inuu wax ka og yahay heshiis la sheegay inuu dhexmaray shirkado saliida soo saare oo laga leeyahay dalka China iyo dowladiisa oo ujeedadu ay aheyd in shidaal looga baaro dhulka Soomaaliya.
Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa jariirada Financial Times waxa ay ku macnaysay in ay cadeyn u tahay in halgan xaga awooda ah uu ka dhex jiro dowlada Soomaaliya, iyadoo jariiradu ay warbixin ka qortay inay aragtay dekomenti uu ku saxeexan yahay madaxweynaha Soomaaliya oo awood u siinaya laba mas’uul oo dowlada ka tirsan in ay heshiis lagu wadaagayo wax soo saarka dalka la galaan shirkado saliida baara oo Chinese ah.
“Aniga kama war qabo heshiiskaasi la soo weriyey inuu dhexmaray dowlada iyo shirkadaha saliida ee China,” ayuu yiri Geeddi.
Jariirada Financial Times ayaa sheegtay in dekomentiga uu ku saxeexan yahay madaxweyne C/laahi Yuusuf uu awood u siiyey laba mas’uul oo dowlada ka mida inay heshiis la geli karaan shirkadaha shidaalka qoda ee China iyagoo ku hadlaya magaca dowlada Soomaaliya, madaxdaasi oo ka qeyb gashay kulan ka dhacay caasimada Beijing ee dalka China 24-kii bsihii May sanadkii 2006-dii.
Jariiradu waxa ay sidoo kale sheegtay in wasiirka tamarta e dowlada KMG uu la kulmay madax ka socotay laba shirkadooda oo Chinese ah bishii hore, iyadoo qeyb ahaan qoraalka ay dowlada qortayna uu sheegayo in ‘dowlada federaalka KMG’ ay awood u siinayso labada shirkadood ee magacyadoda ay kala yihiin CNOOC iyo CIOG inay meel mariyaan qandaraaskooda iyadoo aanay jirin wax is hortaag ah marka uu dhaqan galo sharciga cusub ee saliida dalka.
Geedi waxa uu u sheegay Financial Times inuusan socon Karin wax heshiis ah oo ku saabsan xaga shidaalka ilaa inta buu yiri baarlamaanka uu ka ansixinayo sharciga cusub ee shidaalka.
Waxa uu intaa ku daray inay jiraan shirkado badan oo daneenaya inay shidaal iyo gaas ka baaraan soomaaliya, laakiin si loo ilaaliyo buu yiri hantida dalka , ma howl geli karno iyadoo aan taasi sharci loo helin.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|