Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION
http://sheekomagazine.com/

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Ciidamada Ethiopian-ka oo howlgalo baaritaan ka wada Muqdishu, Baraaha oo maanta degan
Tue. July 17, 2007 09:55 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Ciidamo aad u xoogan oo Ethiopian ah oo ay taageerayaan taangiyo iyo gawaawarada gaashaaman ee dagaalka ayaa maanta weeraray xaafado ku teedsan wadada Warshadaha ee magaalada aan daganeyn ee Muqdishu halkaasoo ciidamadu ay guri guri u baarayaan, ayna ku baadi goobayaan dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan weerarada joogtada ee lagu qaado xarumaha dowlada Soomaaliya.

Askarta Ethiopia ayaa xirtay dhamaan wadooyinka deegaanada ay ka wadaan howlgalada baaritaan.

“Ka hor waaga intuusan beryin oo aan u soo toosay salaada subax ayaan waxaan arkay askar Ethiopian ah oo taagan banaanka albaabkeyga, waan naxay laakiin hal askari oo ku hadlayey luqada Soomaaliga ayaa ii sheegay inaysan u socon inay I dhibaateeyaan balse ay doonayeen inay baaraan hub,” ayuu yiri Sheekh Cali Yaxye oo ah aabe dhalay afar caruur ah oo u waramayey Somalinet.

Dhinaca kale, Suuqa Bakaaraha, oo weli ku jira go’doon todobaadkii labaad, ayaa saakey degan kastoo lama maqlayo rasaas goos goos ah.

Dadka ayaa caadi ah u furay goobahooda ganacsiga iyadoo ciidamada amaankana ay ilaalo ka hayaan dhamaan wadooyinka soo gala iyo kuwa looga baxo suuqa.

Isniintii shalay ayey aheyd markii lix qof lagu dilay, dersin kalena lagu dhaawacay weeraro bambaano oo ka dhacay gudaha iyo nawaaxiga Suuqa Bakaaraha.

Hal askari ayaa sidoo kale lagu dilay, laba kalena waa lagu dhaawacay qaraxyadi bambaano ee shalay, sida uu sheegay mas’uul deegaanka ah.

Taliyaha ciidamada howlgalaya ee Soomaaliya Colonel Yusuf Hussein Dhumal ayaa sheegay in baarista lagu hayo hubka iyo dadka la tuhunsan yahay ay ka soconayaan gudaha iyo dibada Suuqa Bakaaraha ilaa waqti aan la cayimin.

Dowlada ayaa saldhig militari ka sameeysatay gudaha suuqaasi si ay isha ugu hayso dhaqdhaqaaqyada kooxaha wax iskacaabinta.

Dowlada KMG waxa ay aaminsan tahay in suuqa Bakaaraha oo ah goobta ganacsi ee ugu weyn ee koonfurta Soomaaliya ay tahay meesha ugu daran ee laga soo weeraro dowlada.

Dhowr askari ayaa lagu dilay bambaanooyin iyo weeraro gaadmo oo ay soo qaadeen kooxaha wax iskacaabinta ilaa markii hareereynta Bakaare ay bilaabatay laba todobaad ka hor.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


119

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(76) NORTH AMERICA(40) EUROPE(3)
:::119 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,751,850 posts, 121,510 topics and 77,136 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.