Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Dad ku dhintay rabshado ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdishu
Tue. July 17, 2007 10:06 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Saddex qarax bambaano iyo tacshiirado daba-socday oo maanta ka dhacay suuqa weyn Bakaaraha ayaa sababay dhimashada afar qof oo rayid ah iyo hal askari iyo dhaawac soo gaaray lix kale.

Goob jooge ah ayaa u sheegay Somalinet in rag aan la aqoon oo mintidiin ah ay bambaanooyin ku tuureen askarta dowlada KMG ee ku sugan suuqa Bakaaraha.

Inta badan dadka rayidka ayaa ku dhintay tacshiirada ay fureen ciidamada dowlada oo ka jawaabayey qaraxa lala beegsaday.

Qaraxii ugu horeeyey ayaa ka dhacay wadada Aadan Cadde oo u dhow suuqa Bakaaraha halkaasoo ay ku dhaawaceen afar rayid ah.

“Waqti kasta, qarax ayaa dhici kara, aad bay khatar u tahay in halkan lagu shaqeeyo sababtoo ah suuqan waxa uu noqonayaa aag militari,” ayuu yiri Diini Xaashi oo ay nin ka ganacsada suuqa Bakaaraha.

Dhinaca kale, Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere), gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa maanta u sheegay Somalinet in howlgalka militari ee askarta dowlada ay ka wadaan suuqa ayaa ku qasbaya ganacsato badan inay hantidooda kala baxaan Bakaaraha oo ay u guuraan suuqyo kale oo ku yaalla caasimada.

“Tacshiirada joogtada ah ee ay furaan askarta dowlada oo bartilmaameed u ah weerarada bambaano ayaa caqabad ku ah sii socoshada mehreda,” ayuu yiri Cali Dheere.

Rabshadaha ayaa isa sii taraya caasimada Soomaaliya iyadoo shirka nabada beelahana lagu wado in dib la isugu soo laabto maalinta Khamiista oo maalin qura ay inaga xigto.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


57

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(56)
:::57 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,714 posts, 125,195 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.