Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Askari kale oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay suuqa Bakaaraha
Wed. July 18, 2007 09:08 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Muqdishu, caasimada qasan ee Soomaaliya oo weli bandow ah todobaadkii saddexaad ayaa xalay waxaa ka dhacay qaraxyo bambaano iyo tacshiirado uu ku dhintay hal askari iyo dhaawac soo gaaray qof kale oo rayid ah meel ku dhow suuqa hareereysan ee Bakaaraha ee koonfurta Muqdishu halkaasoo dowlada KMG ay rumeysan tahay inay tahay meesha ugu daran ee laga abaabulo weerarada wax iskacaabinta.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, rag mintidiin ah ayaa bambaanooyin ku weeraray askarta dowlada ee fariisinka ku leh isgoyska Howl-wadaag halkaasoo qaraxa uu sababay dhimashada hal askari.

Sida badanba, askarta ayaa rasaas u furay jiho kasta iyagoo ka jawaabayey weerarka bambaanom, waxayna rasaastii ay rideen ay dhaawacday hal qof oo rayid ah oo xabada ay ku dhacday isagoo sariirtiisa jiifa.

Meel kale, laba hoobiye ayaa xalay ku soo dhacay wadada Nasiib-Buunde ee waqooyiga Muqdishu meel ku dhow halka uu ka furmay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Wax khasaare ah lagama soo sheegin weerarkaasi hoobiye iyadoo ciidamada amaanka ay saakey bilaabeen baaris ay ku sameenayaan qeybta waqooyi ee casaimada.

Saakeyna, qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlay gudaha iyo nawaaxiga Bakaaraha laakiin waa waqti hore in la ogaado khasaaraha ka dhashay dhacdooyinkan.

Dhinaca kale, ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa muujiyey walaaca ay ka qabaan joogitaanka ciidamada dowlada ee suuqa oo caqabad ku ah sii socoshada ganacsiga.

Inta badan ganacsatada ayaa badeecooyinkooda kala baxay suuqa sababo amaandaro awgeed.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


80

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(52) NORTH AMERICA(26) EUROPE(2)
:::80 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,706,189 posts, 116,306 topics and 76,753 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.