|
|
Meydka nin dhalinyaro ah oo laga helay degmada Yaaqshiid Wed. July 18, 2007 09:14 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Meydka nin dhalinyaro ah oo aan la aqoonsan ayaa saakey lagu arkay xaafada Caymiska ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdishu.
Meydka ninkan waxaa ka muuqda rasaas lagu toogtay iyo xarig qoorta ugu jiray, sida ay Somalinet u xaqiijiyeen qof ka mida dadka deegaanka.
“ilmo yar oo dugsi u socday ayaa saakey soo sheegay in nin meyd ah uu yaallo meel wado ah, anagoo badan oo dadka xaafad ah ayaa ku orodnay halka meydka la soo dhigay oo noo dhoweyd, meeshii markii aan gaarnay waxaan aragnay meydka nin dhalinyaro ah; laba xabadood baa ku taalla, isha hoosteeda mid baa kaga taalay, feerahana mid kalaa uga taala, waxa uuna u muuqday nin meel kale lagu soo dilay oo halkan la keenay, surka xarig baa uga xirnaa aan u maleenayo in lagu soo jiiday,” ayey yiri Xalimo Xuseen oo ka mida dadka deegaanka Ceymiska.
Ilaa hadda lama yaqaan cida ka dambeysay dilka ninkaasi dhalinyarada ah oo da’diisa lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 25 ilaa 30 jir.
Shalay aroortii ayey aheyd markii meydka laba nin lagu arkay banaanka dhismaha Warshadii hore ee Baastada ee degmada Huriwaa oo saldhig u ah ciidamada Ethiopia.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in meydadkaasi ay ahaayeen laba nin oo ay dileen ciidamada Ethiopian-ka oo ka tirsanaa kooxo weerar soo qaaday.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|