|
|
Ciidamada AMISOM oo doonaya in loo dheereeyo mudada ay joogayaan Soomaaliya Wed. July 18, 2007 09:15 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Iyadoo bil uun ay ka harsan tahay waqtiga ciidamada AMISOM uu ugu eg yahay joogitaankooda dalka Soomaaliya ayaa ciidamada Uganda waxa ay dadaal ugu jiraan in Q.M ay ansixiyo waqti kale oo ay ku sii joogaan Soomaaliya.
Major Felix Kulayigye, afhayeenka ciidamada dalka Uganda ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo Q.M uu u socda wada-xaajood oo ku saabsan sidii waqti loogu dari lahaa ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.
Guutada ciidamada Uganda ee gaaraya kun iyo shanta boqol askari ayaa dalka Soomaaliya la keenay 1-dii bishii March ee sanadkan waxa ayna isku dayayeen inay ilaaliyaan nabada dalka dagaalada ay kala gooyeen ee Soomaaliya.
Kulayigye waxa uu sheegay in weli ay jirto baahi loo qabo ciidamada nabad ilaalineed oo gacan ka geysta sidii Soomaaliya xasilooni loogu soo dabaali lahaa.
Waxa uu intaa ky daray in ilaa markii ay ciidamada AMISOM ay yimaadeen Muqdishu waxa ay sugeen amaanka garoonka diyaaradaha iyo dekada iyo weliba amaanka iyo ilaalinta dowlada KMG.
Ciidamada waxa ay sidoo kale ilaaliyaan amaanka xarunta madaxtooyada ee Muqdishu iyo amaanka goobta shirka dib u heshiisiinta uu ka furmay.
Hase wareysi todobaadkan ay Shabelle la yeelatay afhayeenka AMISOM uu ku sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn amaanka goobta shirka maadaama uu buu yiri goobtaasi aysan ka mid aheyn meelaha ay gacanta ku hayaan.
Kulayigye waxa uu sheegay in wadamada kale ee Malawi, Burundi, Ghana iyo Nigeria ay weli ka filayaan inay soo diraan ciimadooda.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|