Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

NUSOJ oo cambaareysay xarig Puntland loogu geystay weriye Soomaaliyeed
Wed. July 18, 2007 09:18 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si xoogan u cambaareyey xariga loo geystay weriye C/fitaax Daahir Jeyte oo ah soo-saare ka howlgala idaacada codka nabada ee fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland.

C/fitaax Daahir waxaa Isniintii la soo dhaafay xiray waaxda sirdoonka Puntland ee PIS laanteeda la dagaalanka argagixisada, iyadoo ilaa 30 askari oo wata laba babauur oo nooca dagaalka ah ay tageen xafiiska raadiyaha iyagoo baaritaan ka dib ku amray in uu horkaco oo ay qabtaan dhinaca xarunta PIS, sida ay sheegeen suxufiyiinta Puntland.

“Aad baan uga walaacsanahay xariga loo geystay suxufiga,” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cismaan, xoghayaha guud ee NUSOJ isagoo intaa ku daray in tani ay tahay talaabo carol eh oo ay si xoogan u cambaareenayaan.

Waxa uu yiri waxaan isku diyaarinaynaa inaan ka hortago eedeymaha aan cudur daarka laheyn ee ka dhanka ah suxiga Jeyte.

Waaxda sirdoonka Puntland PIS ayaa ku eedeysay suxufigan inuu warar aan sax aheyn u diray warbaahinta Muqdishu, taasoo khatar gelinaysa bay yiraahdeen amaanka Puntland iyo in war qaldan lagu faafiyo gobolada Puntland.

“C/fitaax waxaa howshiisu ay aheyd inuu wararka ku saabsan dhacdooyinka taagan gaarsiiyo dadka Puntland gaar ahaan kuwo ku dhaqan Boosaaso,” ayuu yiri Cumar Faaruuq.

Dadaalo la doonayo in lagu siidaayo weriye Abdifatah Dahir Jeyte oo wadeen suxifiyiin la shaqeeya iyo maamulka Idaacada Codka Nabada ayaa miro-dhal noqon waayey.

NUSOJ waxa ay ugu baaqaysaa dowlada KMG iyo maamulka Puntland inay soo farageliyaan arrintan oo ay soo afjaraan xadgudubkan.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


106

ACTIVE CHAT GROUPS
SOOMAALI(7) E-PALS(71) NORTH AMERICA(28)
:::106 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,747,952 posts, 121,225 topics and 77,101 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.