|
|
Hoobiyayaal mar kale lagu weeraray goobta shirka nabada Soomaalida Thu. July 19, 2007 09:41 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Mintidiin tuhunsan yahay ayaa maanta weerar hoobiye ku qaaday xarunta uu ka furmay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee waqooyiga Muqdishu wax yar ka dib markii uu bilowday shirka, iyadoo ay soo xadireen in 1,300 oo ergo.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, ilaa lix hoobiye ayaa ku soo dhacday meel ku dhow xarunta shirka oo ah xarunta gadiidka booliska oo ku taalla degmada C/casiis abarahii 2:25 daqiiqo ee maanta.
“weerarka hoobiye ayaa dhacay iyadoo uu dhamaaday fadhigii shirkii maanta,” ayuu yiri Cadaawe Maxamed oo ka mida dadka deegaanka oo taleefoonka u waramayey Somalinet
Waa markii labaad oo la weeraro goobta shirka ee sida aadka ah loo ilaaliyo.
Ma jiraan khasaare deg deg ah oo laga soo sheegay weerarkan ugu dambeeyey.
Dhinaca kale, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa maanata la khudbeeyey xarunta shirka nabada isagoo ishaaray in dowladiisa ay ka go’an tahay in shirkan uu guuleysto oo looga hadli doono arrimo badan inta uu socdo.
Qoraalo ku saabsan ajendaha shirka ayaa loo qeybiyey ergada oo dib isugu soo laaban doonta maalinta Sabtida.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|