Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Muwaadin Mareykan ah oo ku eedeysnaa inuu Soomaaliya tababar kula soo qaatay Al-Qaacida oo la xukumay 10 sano oo xarig ah
Sat. July 21, 2007 09:30 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa shalay ku xukuntay muwaadin Mareykan ah toban sanno oo xarig ah oo uu ku dhameesanayo xabsiga gudahiisa, ka dib markii lagu helay dembi ah inuu Al-Qaacida tababar kula soo qaatay dalka Soomaaliya sanadkii 2006-dii, sida ay qortay wakaalada wararka ee AP.

Nin lagu magacaabay Daniel Maldonado, waa 28 jir ah, waxaana la arkayey isagoo gacmaha iyo dhexdaba ka katiinadeysan markii uu xukumay qaadi Mareykan ah oo la yiraahdo Gray Miller.

Maldonado oo sidoo kale loo yaqaan Daniel Aljughaifi iyo Abu Mohammed ayaa sidoo kale waxaa lagu ganaaxay 1,000 doolar.

Bishii April ee sanadkan Maldonado waxa uu qirtay inuu tababar ka helay argagixiso shisheeye.

Waxa uu sheegay inuu u socdaalay dalka Soomaaliya sanadkii hore oo uu tababar ka soo helay maxaakimtii Islaamiga oo iyagu doonayey inay afgembiyaan dowlada KMG, isagoo sidoo kale gacan ka helay xubno ka tirsan Al-Qaacida.

Maldonado waxaa lagu qabtay dalka Kenya bishii January ee sanadkan isagoo markaa iskudayey inuu ka baxsado ciidamadii Ethiopian-ka ee taageerayey dowlada KMG ee Soomaaliya.

Waxa markaa dabadeed loo gacan geliyey saraakiil Mareykan ah oo ku soo celiyey magaalada Houston ee dalka Mareykanka halkasoo bilooyin uu ku noolaa.

Waa muwaadinkii ugu horeeyey oo Mareykanka oo lagu eedeeyo dembi ah inuu tababar dalka Soomaaliya kula soo qaaday ururka Al-Qaacida.

Qareenkiisa Brent Newton waxa uu ku dooday in Maldonado uu u aaday Soomaaliya iyo bariga dhexba inuu soo barto diinta Islaamka, isagoo codsaday in la yareeyo xukunka lagu riday Maldonado laakiin markii dambe la ogaaday inuu tababar la qaadanayey Al-Qaacida.

Newton waxa uu yiri “Waxaa haboon in la ogaado, Maldonado ma waxa uu doonayey inuu waxyeeleyo Ameerikaanka mise maya,”

Kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Gary Cobe ayaa sheegay in kiiskan uu dirayo fariin ah in dadka aysan ku lug yeelan argagixiso ama ayan tababar la qaadan argagixiada.

Maldonado, oo ku soo barbaaray magaalada Pelham, N.H. waxa uu ku mudo afar bilood ah sanadkii 2005-tii ku noolaa ka hor inta aanu isaga, xaaskiisa iyo saddex caruur ah oo uu dhalay u soo guurin dalka Masar.

Ka dib waxa uu soo gudbay dalak Soomaaliya sanadkii 2006-dii, halkaasoo la sheegay inuu tababar ka soo qaaday maxkamadahi Islaamiga.

Xaaskiisa Tamekia Cunningham waxa ay cudurka duumada ugu geeriyootay qaarada Afrika, iyadoo caruurtiisana ay daryeelaan waalidiintiisa oo jooga New Hampshire.
Isha: AP

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


57

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(56)
:::57 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,715 posts, 125,195 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.