Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Madaxweynaha Uganda oo rajo ka muujiyey shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
Sat. July 21, 2007 09:32 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Madaweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee hadda socda, isagoo sheegay in wadahadalkaasi uu xal u keenayo colaada mudada dheer soo taagneyd, sida ay qortay wakaalada wararka ee Xinhua .

Museveni ayaa u sheegay raga wararka fidiya isagoo jooga caasimada Kampala in qeybaha dagaalamaya ay kaga faa’iideysan karaan inay la yimaadaan xal adag oo loo helo colaada dhibaatada gelisay dadka Soomaaliya.

"Habka horey loogu dhaqaaqi karo waa iyadoo shirka nabada la sii wado, waxa ay heli doonaan xal looga gudbo mushkilada,” ayuu yiri Museveni iasgoo intaam ku daray in xaalada Soomaaliya ay iminka caadi ku soo laabanayso inkastoo rabshado ay ka jiraan caasimada Muqdishu.

Shirka oo ujeedadisu ay tahay in lagu heshiisiiyo kooxaha is khilaafsan ee caqabada ku ah in Soomaliya ay caadi ku soo laabato ayaa Axadii hakad galay markii kooxo aan la garaneyn ay hoobiyaal meel ku dhow goobta uu shirka ka dhacayey.

Museveni ayaa xusay in ciidamada Ethiopia ee gacanta ku siiyey dowlada KMG inay dalka ka saaraan maxaakimtii Islaamiga, aan xiligan la saari Karin inkatoo buu yiri Midowga Afrika uu ku guuldareystay in dalka Soomaaliya ay geeyaan ciidamadii ay balan qaadeen.

Waxa uu hadana yiri “Ethiopian-ka waa inay isaga baxaan Soomaaliya sababtoo ah Soomaalida waxa ay u arkaan cadow soo jireen, dhibaatada keliya ee arrintan ayaa ah in wadamada kale ee Afrikaanka aanay weli ciidamadooda geeyn Soomaaliya oo ciidamada Ugandana aanay keligooda halkaa joogi Karin sababtoo ah iyagoo aad u tiro yar, howsha ay ka badan tahay,”

Madaxweynaha Uganda waxa uu inta aku daray oo uu ku akeystay in sababtaasi ay tahay in mida keenaysa in ciidamada Ethiopia ay sii joogaan.

Waxa uu soo dhoweeyey ciidamada Uganda ee la keenay dalka isba-badelka badan ee Soomaaliya isagoo sheegay in xaalada ka jirta Muqdishu ay u muuqato mid caadi ku soo laabanayso.

"Howshooda aad bay u wanaagsaneyd, waxaan u sheegay inay ku fara-adeygaan amaanka garonka diyaaradaha, dekada iyo madaxtooyada iyo meelaha kale ee loo xilsaaray, hadii howshaasi si wanagsan loo qabto waxay keenaysaa in soomaaliya ay aduunka ku furanto oo dowlada KMG-na ay hesho daqli,” ayuu yiri Musaveni.

Ilaa sideed kun oo askari oo xoiogan oo ka socda Midowga Afrika ayaa loo baahan ahay si ay xaslooni ugu soo dabaalaan dalka ay dagaalada ka gooyeen ee Soomaaliya, laakiin kala bar ciidmadaasi ayaa la balan qaaday.

Uganda ayaa ilaa hadda ah dalka keliya ee Soomaaliya u diray kun iyo shan boqol oo askari oo nabad ilaaliyaal ah.

Isha: Xinhua

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


59

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(58)
:::59 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,708 posts, 125,194 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.