Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Rabshadaha ka taagan suuqa Bakaaraha oo ay dad ku dhinteen
Sat. July 21, 2007 10:14 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Laba rayid ah iyo hal askari ayaa ku dhintay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen afar qarax iyo tacshiirado maanta ka dhacay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee koonfurta Muqdishu.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Somalinet in rag aan la garaneyn ay bambo gacmeedyo ku tuureen askarta dowlada KMG ee dhex wareegaya suuqa halkaasoo uu ku dhintay hal askari mid kalena uu ku dhaawacmay laba kale.

Rasaas ay fureen askarta la weeraray ayaa waxa ay dishay laba qof oo rayid ah, dhaawac soo gaaray saddex kale.

Suuqa Bakaaraha ayaa degnaa saakey laakiin wax kasta waxa ay isbdeleen markii ay bilowdeen qaraxyo iyo tacshiirado abaarahii 10:00 subaxnimo.

Suuqa Bakaaraha, oo ah goobta ganacsi ee ugu weyn koonfurta Soomaaliya, ayaa hareereysnaa todobaadkii saddexaad iyadoo badi xarumaha gancsiga ay xiran yihiin.

Rabshadahan ugu dambeeyey ayaa ka dhacay caasimada iyadoo ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi uu u xaqiijyey ciidamada nabad ilaaliyaasha Midowga Afrika in dowladiisa ay soo afjari doonto hareereynta Bakaaraha sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dhinaca kale, ganacsatada ayaa weli wada inay alaabtooda ka rartaan suuqa iyagoo u guuraya suuqyo kale, halka ganacsato kale ay ku adkeesanayaan inay suuqa sii joogayaan, ayna ergo u direen dowlada KMG oo kala soo hadla sidii suuqa qaadi lahaa xayiraada saaran.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


56

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(55)
:::56 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,719 posts, 125,197 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.