|
|
Ciidamada isbaheystay oo ka hortagaya weeraro ay soo qaadaan kooxaha mucaaradka Sat. July 21, 2007 10:15 am.- By Mahad Hassan. -
(SomaliNet) Ciidamada amaanka ee dowlada KMG oo kaashanaya ciidamada Ethiopia ayaa maanta howlgalo balaaran oo baaris ah ka fuliyey qeybo ka mida caasimada Muqdishu si ay uga hortagaan weerar ka yimaada kooxaha wax iskacaabinta oo lagu qaado shirka dib u heshiisiinta oo maalintii saddexaad socda.
Ciidamada iskaashaday ayaa weeraray saakey deegaanada ku teedsan jidka warshadaha ee magaalada Muqdishu halkaasoo ay bilaabeen baaritaano guri-ka-guri ah.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid looga gol leeyahay in lagu joojiyo weerarada ka imaan kara kooxaha mucaaradka ee doonaya inay arbushaan shirka nabada oo ka furmay waqooyiga Muqdishu 15-kii July.
Dhamaan wadooyinka soo gala, kana baxa xaafadaha Carafaat, Towfiiq iyo Caymiska ee degmada Yaqshiid, ayaa la xiray oo loo diiday inay isticmaalaan dadka iyo baabuurtaba.
Ma jirin maanta weerar hoobiye oo ka dhacay caasimada iyadoo kulanka nabada uu ku socday si saraaxad leh, ergada shirkana ay bilaabeen inay ka doodaan ajendaha shirka.
Lama oga haddii hub iyo waxyaabo qarxa laga soo helay howlgalada baaritaan.
Axadii iyo Khamiistii la soo dhaafay ayaa kooxo mintidiin ah waxa ay hoobiyaal ku weerareen xarunta shirka dib u heshisiinta laakiin weeraradasai oo lala waayey bartilmaameedkooda, ayaa dilay shan ruux oo u badan caruur.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|