Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Hareereyntii Bakaaraha oo la soo afjaray, ganacsigii oo furmay
Sun. July 22, 2007 11:50 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Ganacsigii ayaa maanta ku soo laabtay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdishu ka dib markii dowlada KMG ay soo afjartay hareereyntii ay ku haysay suuqaasi oo ay la baxday ciidamadeeda militariga.

Badi ganacsatada ayaa saakey furay dukaamadoodii ku yaalay suuqa Bakaaraha oo xayirnaa 18 cisho oo xiriira oo ay dhaceen qaraxyo iyo tacshiirado ay ku dhinteen tobaneeyo dad ah oo u badan rayid.

Taliyaha ciidamada bolliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Cawaale ‘Qeybdiid’ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib kulan uu la yeeshay ganacsatada in ciidamada booliska ay la wareegeen kaalintii lagu sugayey amaanka suuqa iyagoo buu yiri gacan ka helaya ganacsatada.

“booliska oo leh asluub sare ayaa la wareegay mas’uuliyada amaanka suuqa iyagoo ka hortagaya kuwa rabshadaha wada,” ayuu yiri Xasan.

Ganacsiga dib uga bilowday suuqa Bakaaraha, oo ah goobta ganacsi ee ugu weyn koonfurta Soomaaliya, ayaa yimid ka dib wadahadal xasaasi ah oo ay yeesheen guddiga amaanka qaranka iyo ganacsatada gobolka.

Dadka ku nool Muqdishu ayaa soo dhoweeyey talaabada dowlada KMG ee ay ku soo afjartay hareereynta ayna ugu ogolaatay suuqa inuu caadi ku soo laabto.

Inkastoo xayiraadii laga qaaday Bakaaraha, ayaa haddana ciidamada amaanka waxa ay baarayeen qof kasta oo soo galaya ama ka baxayey suuqa oo deganaa maanta, iyadoo maantana aan la maqal xabad rasaas ah.

Intii ay hareereynta socotay, ayaa ganacsato badan waxa ay ku eedeeyeen askarta dowlada KMG falal dhac iyo boob ah oo ay ku sameeyeen hantidooda, hase ahaatee dowlada ayaa beenisay eedeymaha oo ay ku tilmaantay kuwa aan run aheyn.

Ilaa markii la hareereeyey Suuqa Bakaaraha, in ka badan 40 rayid ah ayaa lagu dilay, boqolaal kalena waxaa lagu dhaawacay qaraxyo iyo tacshiirado dhexmaray ciidamada dowlada KMG iyo kooxo mayal adag.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


61

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(60)
:::61 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,711 posts, 125,195 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.