Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Tacashiirado ay ku dhinteen dad rayid ah ka dib qaraxyo bambaano
Sun. July 22, 2007 11:51 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Shan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay, saddex kalena waa lagu dhaawacay rabshado cusub oo maanta ka dhacay caasimada Muqdishu iyadoo ciidamada dowlada KMG-na ay isku dayayaan inay ka hortagayaan wax kasta oo carqalad ku ah shirka nabada ee ka furmay Muqdishu.

Ilaa toban qarax bambaano ayaa maanta ka dhacay meelo kala duwan oo ka mida caasimada kuwaasoo lala bartilmaameedsanayo askarta dowlada oo iyana ka dib rasaas ku jawaabay.

Isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howlwadaag, saddex rayid ah ayaa ku geeriyooday, mid kalena waa uu ku dhaawacmay tacshiirad ay fureen askarta oo lagu weeraray bamb gacmeed dhaawac u geystay mid iyaga ka mida, sida ay goob joogayaal u sheegeen Somalinet.

Saddex qarax ayaa ka dhacay Baar-Ubax halkaasoo ciidamada amaanka ay xireen wadooyinka oo ay bilaabeen baaritaano.

“mid ka mida askarteena ayaa ku dhaawacmay qaraxyada Baar-Ubax laakiin ciidamada amaanka ayaa ku guuleystay inay qabtaan qofkii weerarka soo qaaday,” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid, taliyaha booliska Soomaaliya.

Nawaaxiga isbitaalka hooyada iyp dhalaanka ee SOS ee waqooyiga Muqdishu, askarta dowlada KMG ayaa ku dilay hal qof oo rayid ah, laba kalena ku dhaawacay tacshiirad ay kaga jawaabayeen weerar bambaano oo laguq aaday gaari ay la socdeen.

Hal qof oo rayid ah ayaa sidoo kale ku dhintay tacshiirad ay fureen ciidamada dowlada nawaaxiga warshadii hore ee Caanaha ee degmada Hodan ka dib qarax bambaano oo qabsaday mid ka mida kolonyo ay wateen askarta dowlada.

Bambaanooyin iyo weeraro gaadmo ah oo ka dhan ah askarta dowlada iyo fariisamadooda ayaa sare u kacay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay ilaa markii Muqdishu lagu soo rogay bandowga bishii hore.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


57

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(2) NORTH AMERICA(55)
:::57 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,708 posts, 125,194 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.