Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 
NEW SECTION

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Ciidamada Ethiopia oo dad bukaan ah kala baxay isbitaal ku yaalla Muqdishu
Sun. July 22, 2007 11:52 am.- By Mahad Hassan. -

(SomaliNet) Ciidamada Ethiopia ayaa maanta weeraray mid ka mida isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla caasimada Soomaaliya ee Muqdishu iyagoo halkaasi kala baxay rag bukaano ah oo la shakiyey iyo dad kale oo la joogay.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Somalinet in ciidamo Ethiopian ah oo ay la socdaan askar ka tirsan dowlada KMG ay isku gadaameen isbitaalka Shifo oo ku yaalla degmada Wardhiigleey ee koonfurta Muqdishu halkaasoo ay xir xireen tiro ka mida bukaankii jiifay isbitaalka iyo dad kale oo caawinayey.

“waxaan arkayey askar xoog ku gashay isbitaalka oo deetana la soo baxay ilaa toban rag ah oo ay ku jiraan dhaawacyo iyo dad ay ehelo yihiin, aad baan u baqay, waana dhuuntay,” ayuu yiri Cumar Salaad oo ah dadka deegaanka.

mid ka mida askarta ayaa u sheegay mas’uuliyiinta isbitaalka in dadka la xiray ay xubno ka ahaayeen kooxaha muqaawamada.

“waxa ay ku lug laahayeen weeraro lagu soo qaaday fariisimada ciidamad dowlada ay leeyihiin suuqa Bakaaraha laba habeen ka hor, ka dib baaritaano aan sameenay waxaan ogaanay in ragooda dhaawaca ay jiifaan isbitaalkan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka oo magaciisa qariyey.

Dhinaca kale gaari miltari oo leeyihiin ciidamada Ethiopia ayaa saakey lagu weeraray nawaaxiga warshadii hore ee caanaha ee Muqdishu.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Somalinet in bam la dhigay wadada dhinaceeda uu ku qarxay gaariga Ethiopian-ka laakiin cidina ma oga khasaarah halkaasi ka dhashay maadaama askartu ay ku isku gadaameen goobta.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


57

ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(1) NORTH AMERICA(56)
:::57 CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 1,796,718 posts, 125,196 topics and 77,600 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.